WAJAALE NEWS

Tababarahii xulka Spain oo la eryey

Xidhiidhka kubadda cagta Spain, ayaa maanta shaqada ka ceydhiyey macallinka xulka qaranka dalkaas Julen Lopetegui, maalin ka hor billowga koobka adduunka.

Julen Lopetegui, oo shalay loo magacaabay tababaraha Real Madrid, ayaa lagu eedeeyey inuu wada-hadal la galay naadiga Bernabeu, isaga oo aan u sheegin xidhiidhka.

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay aad uga cadheysiisay xidhiidhka Spain.

Spain ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo hanashada koobka adduunka, waxaana tani ay qalalaase ku abuuri kartaa hab cayaareedka kooxda.

Fernando Hierro, oo ah kabtankii hore ee kooxda Real Madrid ayaa loo magacaabay inuu noqdo macallinka cusub ee xulka Spain.

 

Exit mobile version