WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Maamul goboleedka Puntland oo amray in hawada laga saaro TV-ga qaranka Somaliland

Garoowe (W,N)- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa amar ku siiyey shirkad maxaddadaha TVyada maxalliga ah qaybisa inay ka saarto kanaalladeeda Tvga qaranka Jamuuriyada Somaliland.

Warqad uu ku saxeexnaa wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, laguma sheegin sababta rasmiga ah ee talaabadaas loo qaaday, wuxuuse go’aankaas noqonayaa mid khuseeya maamulka Puntland oo kaliya.

Xiisad ayaa weli ka dhex jirta Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo dagaallo ay ku dhex mareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

 

 

Exit mobile version