Kaligeed Ayaa Hadlaysay Inta kalena Waxay Si Wareeg ah Ufadhiyeen Goobta Cafee-ga Lagu Cabo!! Dhacdo Xiiso leh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kaligeed Ayaa Hadlaysay Inta kalena Waxay Si Wareeg ah Ufadhiyeen Goobta Cafee-ga Lagu Cabo!! Dhacdo Xiiso leh.
June 13, 2018 - Written by Editor:

Kaligeed Ayaa Hadlaysay Inta kalena Waxay Si Wareeg ah Ufadhiyeen Goobta cafee-ga Lagu Cabo ee xafiiska, waxaanad moodaysay in wax yaab badan loo sheegayo, oo ay qaadan laayihiin. Aniguna waxaan ku yara daahay xafiiskayga oo shaqo badan ii taalay maalintaas, ismaan lahayn goobta cafee-ga lagu Cabo ayaad qof ugu tagi doontaaba, waayo waan ka soo daahay xiligii goobta cofeega laga cabi jiray… Laakiin waxaan la yaabay dadkan xiligan ku soo gaadhay goobta coffeega ee gabadhan cusub dhagaysanaya, aniga gabadhaas ismaanu aqoon laakiin dhowr jeer ayaan meesha ku kulanay, dabcan maalintii ay xafiiska timidna dadkii soo dhaweeyay ayaan ka mid ahaa. Salaan guud ayaan dusha uga tuuray dadkii meesha fadhiyay, laakiin cidba dhag jalaq iimay siin, la iigama jawaabin. hoosta waxaan iska idhi maanta maxaa si ah tolow, shaki cunsirinimo iyo waxaa aan loo baahnayn ayaan isku sheegay,

ibraahim suldaan 22

Anigoo maskaxdaydu sidas u buuqsan tahay ayaan hadana koob madhan kabadhka kala soo baxay, oo aan hoos qabtay mashiinkii cafeega laga shubanayay, oo aan doortay cofee bilaa caano iyo sonkor ah, intii aanu koobku ii buuxsamin ayaa waxaa dhagtayda ku soo dhacday, kalmado Swedish oo micnaheedu yahay, ‘Haa SOMALILAND ayaa la yidhaa’, Waxaan is idhi waxaa aad maqashay muxuu ahaa, Shanqadhii ayaan yareeyay, anigoo sii jeedana si fiican ayaan dhaqta u furtay, waxay ku dartay: ‘Waxaan u malaynayaa in ay Latin America ku taal ama malaha Afrika, anigu ma garanayo, warka inbaa i dhaaftay, laakiin wadankaasi waa wadanka kaliya ee ka ciqaabta xun Sweden marka laga hadlayo gacan ka hadalka lagula kaco haweenka’….Wiil Rikard la yidhaa oo aanu asxaab dhow nahay oo xafiiskayga ka ku xiga dagan ayaa su’aal ku soo Tuuray oo yidhi, oo waa maxay ciqaabta teena ka badani, waxay ugu jawaabtay, Somaliland waxay samaysatay xeer dhigaya qofkii kufsi ama isku day kufsi ku kaca in 30 sano oo xadhig ah la xidhi doono, waxay ku sii dartay “Anigu wadankaas baaban iska tagi, waayo waa wadan Dumarku qiimo u leeyihiin”. Anigu inta sheekadaasi socoto halkaygii ayaan taaganahay, oo waxaan Dhagaysanayaa faaladoodan. Dhamaantood si fiican umay garanayn meesha ay Somaliland ku taal, markaas Ayuu mid ka mid ahi yidhi, Malaha Afrika ayay ku taalaa, Rikard ayaa mar labaad ku celiyay, Ibrahim Baan waydiin karnaa Isagaa sheegi inay wadan African ah yahay iyo in kalee… Anigu su’aashii kamaan jawaabina,

Waxaan Gabadhii waydiiyay, halkeed ka keentay warkan, waxay igu tiri Radio-ga gaadhiga ayaa saaka markaan Shaqada u soo socday ka dhagaystay, Waanan u riyaaqay Wadankaas, ee halkuu ku yaalaa ayay mar labaad i Waydiisay… Waxaan ku idhi waa meesha aan aniguna ka imid…. Waxay iigu dartay ma Somalia, Markaasaan galay sharaxaadii dheerayd ee aynu siin jirnay dadka garan waayo Somaliland. Sofia Haid Hoo Baaruuda.

QALINKII IBRAHIM SULDAAN CABDIRAXMAAN

 

COMMENTS
LINKS