Uma Baahnid In Aad ka Xishooto In Aad Wax Iska Raawisto (Baayacdo).Qalinkii C/risaaq Saalax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Uma Baahnid In Aad ka Xishooto In Aad Wax Iska Raawisto (Baayacdo).Qalinkii C/risaaq Saalax.
June 13, 2018 - Written by Editor:

Waxa aan aan aniga oo degdegaya galay Isbitaal Ilkaha ah. Wax kale uma socdo aan ahayn in aan is qoro (Booking), qiimahana meel isla saarno. Hawlo kale ayaa ii daadsan. Intaas uun baan hadda u imid.

Markii aan isa soo taagay Miiskii qaabilaada macaamiisha (reception), waxa fadhiya wiil ay laba gabdhood oo aad u qurux badani hareeraha ka fadhiyaan. Imran — oo aanu markii dambe saaxiibo aad ah noqonay — ayaa xisaabtayda qoraaya. Labada gabdhood hawlo kale badan oo ay gacanta ku hayaan iima muuqan aan ahayn in ay kombuyuutaro dul yuuraraan.

Saalax

Wiilkii baanu gorodda is darnay. Horta wuxuu igaga bilaabay X-ray ama qalabka lafaha lagu eego waa in aad martaa inta aanaan hawsha galin. Hagaag… Waan maray. Waanu isku soo laabanay. Waxa uu ii sheegay in ilkahayga gabigooduba ay u baahan yihiin in dhulka la dhigo oo kuwa kale la ii galiyo. Waxa aan ka cabanayaana gaws ama laba kama badna.

Markii aanu isla soo dhadhawaanay, ee intii aan ka cabanayay iyo inta kale ee ay macquul noqotay in lagu daro aan meel isla saarnay waxaa timid in aanu qiimihii is waydiino. Mise samada ayuuba iila haaday. Anna hoos ayaan iskaga soo gundhiyay.
Labadaas hablood ka sokow, waxaa qolka qaybta uu miiska qaabilaadu ka jeedo mooyee saddexda waji ee kale soo safan dad aad u tiro badan. Meeeshu sanqad badan malaha oo dadku waxa ay u eeg yihiin, in ay noo dheg raaricinayaan. Labada gabdhood waxa aad mooddaaba in aniga meesha la ii sii dhigay. Markii aan ninka iska dhici is dhahoba, Juhi Chawla iyo Mamta Kulkarni ayuunnbaa midba mar gees iiga dhoolo caddaysaa. Gadaal iyo hareeraha ayaan fiiriyay, Mise waa dadkii oo macaamiisha ahaa oo aad moodo in ay taarabuukii ciyaarta camal noo daawanayaan.

Yeelkadooda! Hawshayda ayaan watay. Wallee sidaas sahalka ah baanan shilin ugaga tagin. Aakhirkii ayaa waxa aan keenay qiimihii ay igu bilaabeen rubuceed wax aan dhamayn. Waxa kale oo aan ka gorgortamay in aan haba yaraatee wax lacag ah aanan ka bixinaynin is qorka (booking) iyo X-rayga. Hawshayadiina dhagdhag ayaan ku kala dhamaatay

Goor aan ka sii dhaqaaqi rabo, ayaan aniga oo maduxu ii taagan yahay oo kalsooni iga muuqato waxa aan si buuxda isha ula raacay Hindidii labaataneeyaha ku dhawaa ee meesha safnaa. Mise waxa ay ishaydu haleeshay Gabadh Soomaaliyeed, oo aaad u qurux badan, oo da’ yar. Soddomeeyaha hore ayaan ku qiyaasay da’deeda. Mobile ayay is hor haysaa si toos ahna way iisoo eegaysaa. Muuqaalkeeda ma sifayn karo, hadda oo waa rabadaane. Waa goortaas goorta aan ku sigtay inta aan ninkii ku laabto aan idhaahdo, “Inaadeerow, intaad sheegtay iyo in kaleba hoo!”

Ilaa iyo intii aan meel aan dabada la helo ka gaadhayay waxa ay ishaydu awoodi kari wayday in ay eegto qofka iyada ku xiga. Mise markii aan fadhiistayba waxaa ila hadlay ninkaas odayga ah oo bartaas — oo agteeda ahayd — uu hadda fadhiyo fadhiya (maalintani waa maalin dambe). “Waar haye!… “Aleylehe, waad iska dhicisay” ayuu ii raaciyay. Ninkii odayga ahaa ayaanu cabaar sheeko isla qaad-qaadanay. Waxa uu ii sheegay, oo aan waliba anigu waydiiyay in uu siyaasi yahay iyo in kale, In uu yahay C/rashiid Duulane Rafle — Madaxwaynihii hore ee Dawlada Deeegaanka Itoobiya, Soona maray Xilal kale oo sarsare oo ay ka mid ahaayeen Safiirka Itoobiyo ee Japan iyo UK.

Intii aanaan halkaas isla gaadhin, waxaa sheekadayada kolba dhan iskaga soo tuuraysa gabadhii. Gabadhu aad bay uga da’ yar tahay isaga. Inaan waydiiyo baan rabaa xidhiidhka ka dhexeeya. Ma odhan karo, ma adaa dhalay, oo isaga qudhiisa waynidiisu sidaa umay sii talax tagin. Mana odhan karo ma xaaskaagiibaa oo iyada waa qadaf kale oo iyada aan ka galay haddii uu yahay aabeheed, abtigeed ama adeerkeed iwm.

Saw maad maqli jirin, Af-Soomaaligu waa margi? Maalintaas ban si fiican uga faa’iidaystay Marginimada af Soomaaliga. Waxaan ku idhi, aniga oo gabadhii farta ku fiiqaya “Ma gabadhaadiibaa?”

Reer woqooyiga oo ay uu ku jiro Kililka shanaad gabadhaada waxa ay u yaqaanaan xaaskaaga. Reer koonfurkuna waxa ay u yaqaaniin inanta aad dhashay. Waxa uu warba iigu soo gaabiyay “Haa, Xaajiyaddaydii weeye”

Haddii uu dhali lahaa, miyaanan ku baxsan kareen “Haddee, afkii koonfurta ayaan la qabsaday oo inantaadii baan ka waday?”

Ujeeddada aan ku noqo’e, maalmahan oo kale – waa ayaamaha ciideede – waa mararka qofka shacabka ah ee wax iibsanaya iibkiisu uu ka duwan yahay sidii uu awal hore wax u iibsan jiray. Waa markii uu galo, dukaan ay haweenku garbaha isku qabteen, qaar wax iibsanaya iyo qaar wax iibinaya.

waxa aan maanta tagay dukaan, si aan wax uga soo iibsado. Waa ayaamohoodiiye, waa Tukaan dharka iibiya oo aad u saxmad badan. Waxaa la yaab lahayd, markii ay gorgortankii gaadhay waxaa wiilkii isa soo ag taagay laba gabdhood oo aad u qurux badan.

Aniga oo Xamar jooga miyaanan sidii uun yeelin aan Hindiya anigoo joogaba aan yeelay. Dhulka inta aan la galay ee iska raawisay ayaan anigoo bacdayda laadlaadsanaya soo dhex jibaaxay jamhuurkii haween iyo ciyaalka u badnaa ee meesha tubnaa.

Markii aan ka sii dhaqaaqayay, Ninkii waxa aan kula kaftamay “Magacaaga Imran ma la dhahaa?” Ima uu fahmin, Waxaanse ugu gaabiyay “Waa sheeko dheer” Halkan ayaan jeclaaday inaan intii aan isaga u sheegi lahaa idinkula wadaago.

Duruusta aadka u fahara badan ee aan Jaamacadda Hooyaday aan kala soo baxay waxaa ka mid ahayd Kalsooni isku qabka markii aad shilinkaaga wax ku iibsanayso. Uma baahnid in aad dareento yaan lagu odhan ‘waxba ma haysto’ ama aad u tasaruftid inta yar ee aad haysatid ‘Ha la yidhaahdo afarta jeebba way u buuxaan!’
CIID MUBAARAK

Abdirasak Salah

Abdirasaksalah@gmail.com

+2524466677

Mogadishu, Somalia.

 

COMMENTS
LINKS