Dad Ku dhaawacmay Rabshado Ka dhacay Magaalada Laascaanood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Ku dhaawacmay Rabshado Ka dhacay Magaalada Laascaanood
June 14, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (W,N):- Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ka dhacay Mudaharaad, kadib markii ciidamada qaranka Somaliland gaadhi ay wateen uu soo galay Magaaladda.

Ciidanka Saarnaa Baabuurkaasi ayaa damacsanaa in ay ka adeegtaan Suuqa Magaaladda Laascaanood, hasayeeshee dadka deegaanka ayaa shiiday waxaana halkaasi ku dhaawacmay saddex dumar ah.

ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay dhinaca maamulka Magaaladda Laascaanood, waxaana dadkii halkaasi ay dhaawacyadu ka soo gaadheen loola cararay cusbitaalka,halkaas oo dhaawacooda lagu dabiibayo.

 

 

COMMENTS
LINKS