WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Soo xidhay Tartankii Kubada Cagta bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa Stadium
June 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo af-meeray tartanka kubbadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo in muddo ah ka socday garoonka Hargeysa Stadium, isla markaana maanta soo dhammaaday.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay gunaanadka tartankan oo ay ciyaartiisa kama-dambaysta ah isugu soo hadheen kooxaha DUCO-WAALID iyo AIR ARABIA, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, wasiirrada arrimaha gudaha, ciyaaraha, Qorshaynta, xidhiidhka goleyaasha, Caddaaladda, wasiir-ku-xigeenno, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, marti-sharaf iyo kumanaan katirsan taageerayaasha labada kooxood ee ciyaartu dhexmartay.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee xukuumadda katirsan, ayaa shacabka kala qayb-galay daawashada ciyaartan, taas oo ay ugu dambayntii guushu ku raacday kooxda kubbadda cagta ee DUCO-WAALID, waxaana ka hor intii aan  kooxda guulaysatay koobka la guddoon siinin halkaas hadallo kooban ka jeediyey madaxweyne-ku-xigeenka oo bogaadiyey kooxda guushu raacday.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), waxa  uu wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ku hambalyeeyey  dedaalka ay gelisay inuu tartankani guul kusoo dhammaado, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddu xil weyn iska saartay sidii ay da’yarta u dhiirrigelin lahayd, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, wasiirka, agaasimaha guud iyo dhammaanba gacan-yareyaashooda, sidoo kale waxa aan hambalyeynayaa labada kooxood ee ciyaarta kama-dambaysta ah isugu soo baxay ee kaalmaha koowaad iyo labaad kala galay, dhallinyarada reer Somaliland waxa aan u sheegayaa inay ciyaartu tahay caafimaad, sharaf, isbarasho iyo ummadda oo is-dhexgasha iyo inuu nin waliba ku fikiro sidii uu kooxdiisa u horumarin lahaa, haddii aanu xukuumadda KULMIYE nahayna aad iyo aad baanu usoo dhaweynaynaa oo u dhiirrigelinaynayaa dhammaanba ciyaaraha kala duwan.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku kooxda guulaysatay guddoonsiiyey koobkii ay ku guulaysteen, iyada oo xubno ciyaartoy iyo masuuliyiin isugu jirana la guddoon siiyey abaal-marinno ay mutaysteen.

 

 

 

Capture 4 (1) IMG_0057 IMG_0061 IMG_0077 IMG_0084 IMG_0092 IMG_0114 IMG_0128 IMG_0131

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews