Hargaysa (W,N)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa hambalyo iyo bogaadin ku saabsan munaasibada Ciidal Fidriga awgeed u diray dhaaman umada muslimka ah iyo Shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan.
Warsaxaafadeed goordhaweyd laga soo saaray xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ku leeyahay magaaladda Hargeysa ayaa u dhignaa sidan:-
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Mudane Dr Abdirahmaan Mohamed Abdulaahi (Cirro) isagoo ku hadlaya magaciisa , Guddida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Waddani wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL FIDRIGA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah,
wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadadii bisha Ramadan, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo.