Ciida iyo Caruurta yar yar W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciida iyo Caruurta yar yar W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
June 14, 2018 - Written by Reporter:

Waxa kale oo ay waalidintu sameeyaan in ay caruurta aad u warwareejiyaan iyagoo hadba goob gaynaaya taas oo caruurta ku keenta in ay asqoobaan kadibna ay dadka kala garan wayaan kabacdina ay iska raacan qofkale oo u dhar eeg kii waday kadibna ay sidaa ku lumaan.

Sida oo kale  qalabka lagu ciid siiyo qaarkii ayaa caruurta halis ku ah sida leexooyinka macmalka ah oo laga yaabo in ay la dhacan ama ay la jaban baaskooladaha baaruuda leh kuwaas oo ay isla dhacaan kadib baaruuda sunta ahi ay indhaha ka gasho caruurta yaryar iwm.

Dhanka kale dharka loo xidho gabdhaha yar yar qarkood ayaan sax ahayn sida dharka kala socdo ee gabdhah yaryar lagu masasaqo ee mararka qaar ka dhaca iyo in kuwo soo kacaya madaxa  loo qaawiyo sido kale waxa ku jira waxyaabaha laysku qurxiiyo qaarkood oo an gabdhah yaryar u fiicnayn.

Hadaba waxa fiican in ay waaliidiintu caruuta il gaar ah ku eegaan oo ay ilaaliyaan caruurta  una iibshaan dhar iyo agab ku haboon naftooda iyo dadooda .

 

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan

Hargeysa somaliland

Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

COMMENTS
LINKS