WAJAALE NEWS

Kala qaybsanaanta Xisbiga Ka Taliya Itoobiya oo Soo Shaac baxday

Addis Ababa (W,N)- Xisbiga TPLF oo mar ahaan jiray xisbiga siyaasadda ahaan ugu xoogga badan isbahaysiga EPRDF ee talada dalka Itoobiya haya ayaa dhaliilay go’aamada Ra’iisal Wasaaraha ee ah in maalgashiga gaarka ah loo furo shirkadaha dawladda iyo sidoo kale in laga tanaasulo dhul ku yaal xadka Eritrea dalkaasi la leeyahay.

Xisbiga TPLF oo saddex maalmood ku shirayay magaalada Maqalle ee xarunta gobolka Tigreega ayaa war uu gunaanadka shirka kasoo saaray waxa uu ku sheegay in aanu ku qanacsaneyn go’aannada ay dowladda qaadatay.

Waxa ay si gaar ah u xuseen go’aankii ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu ku aqbalay heshiiskii Algiers ee ku aaddanaa muranka ka taagan soohdinta Itoobiya iyo Eritrea, taas oo ka dhigan in Addis Ababa ay wareejinayso magaalada Baddhume oo ah halka ay salka ku hayso colaadda u dhexaysa labada dal, dadka qaarna ay ku doodayaan inay ka tirsan tahay gobolka Tigreega ee dalkae Itoobiya.

TPLF ayaa sheegtay inay khalad tahay in go’aanka noocaasi ah la gaadho ayadoo aan si weyn loogala tashan dhinacyada ay arintu khuseyso.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay aqoonsiga hogaamiyayaasha rugcadaaga ah, taasoo loo fasirin kara inuu ula jeedo isbedelkii uu dhawaan hogaamiyuhu ku sameeyay hogaanka ciidanka.

Arrintan ayaa muujinaysa kala qeybsanaan soo dhexgashay isbahaysiga talada haya ee Itoobiya.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo inta uu xilka la wareegay waxa uu qaaday tallaabooyin is xigxiga oo ay dad badan u arkeen dadaal isbedel looga abuurayo Itoobiya.

Exit mobile version