Uruguay oo guul mihiima Ka gaadhay Masar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Uruguay oo guul mihiima Ka gaadhay Masar
June 15, 2018 - Written by Reporter:

Xulka dalka Uruguay ayaa guul muhiim ah ka gaadhey ciyaartii kowaad ee ay la ciyaaraan xulka dalka Masar, kulan ka tirsanaa koobka adduunka.

Ciyaaryahan Jose Gimenez ayaa daqiiqaddii 88-aad gool madax ah daba mariyay gool wadaha kooxda dalka Masar.

Labada kooxood ayaa qeyb ka ah groupka B. Xulka dalka Ruushka, ayaa isna shalay ka adkaaday xulka dalka Sacuudiga oo uu diray 5 gool iyo waxba. Ruushka iyo Uruguay ayaa hadda iska leh min seddex dhibcood.

Sidoo kale, waxa dhici doona laba kulan oo kale maanta oo groupka B ah. Kulanka hore waxa hadda ciyaaraya dalalka Morocco iyo Iran, halka kan labaadna ay is arki doonaan dalalka Portugal iyo Spain.

COMMENTS
LINKS