Roobab duufaano Xoogan Wata oo Ka da,ay Magaalada Salaxlay iyo Khasaare Ka dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Roobab duufaano Xoogan Wata oo Ka da,ay Magaalada Salaxlay iyo Khasaare Ka dhashay
June 17, 2018 - Written by Reporter:

Salaxlay (WJN)- Roobab duufaano iyo dabeylo xoogan wata ayaa waxa ay xalay ka da,een magaalada Salaxlay oo dhinaca koonfureed 50 Km kaga began magaalada Hargeysa isla markaana la siman magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd una jirta dhawr iyo toban KM.

Gudoomiyha gobolka Maroodi jeex oo ka mid ah wafti gurmad ah oo gaadhay degmada Salaxlay ayaa waxa uu sheegay in Roobabkan duufanada watey ay ku dhinteen inta la hubo 1 qof  oo ahaa ilma yar oo guri kusoo dubay halka 20 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen oo lagu dawaynayo Cisbitaalka magaalada Salaxlay waxaa kale oo uu sheegay in ay dumeen 30 guri oo ku yaala degmada Salaxlay.

Roobabkan dabaylaha wata ayaa waxa la sheegay in ay ka yimaaden xaga bariga oo ay Tuulooyin hoos yimaada degmada Salaxlay ay khasaare aan badnayn gaadhsiiyeen oo ay guryaha jiingadihii ka qaadeen.

COMMENTS
LINKS