Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlay booqashadii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Ku Tagay Soomaaliya iyo Saamaynta Somaliland Ku Yeelan Karto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlay booqashadii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Ku Tagay Soomaaliya iyo Saamaynta Somaliland Ku Yeelan Karto
June 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa waxa uu ka hadlay booqashooyinkii kala duwanaa ee uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku tagay dalalka ay jaarka yihiin iyo deegaanada kala duwan ee dalka Itoobiya.

“Waxaynu ka wada dharagsan nahay oo aynu dhamaanteen ogsoon nahay Ray’iisal wasaare Abiy Ahmed markii xilka loogu dhaariyay magaalada Addis Ababa ee uu baarlamanku ogolaaday booqashadiisii ugu horaysay waxa uu ugu anbabaxay Kilidhka shanaad ee dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya isagoo go’aansaday in uu soo xidho dudada hore amam dudada koowaad ee dalka itoobiya isagoo ka bilaabay booqashadii uu ku soo marayay dawlad deegaanada kala duwan kaa Soomaalida ku xigsiiyay ka Oromada waliba xil gaara iska saaray xurguftii dhextaalay labadaa qoomiyadood ee Oromada iyo Soomaalida intii uu bogsiin karo uu bogsiiyo oo shacbiga labada Madaxwayne ee labada dawlad deegaan iyo cid walba si aad ah ugala hadlay dabadeedna waxa uu unba baxay gobolada kale, waxaa kale oo aynu ogsoonahay in booqashadiisii labaad ahayd sidii uu u soo xidhan lahaa dudada labaad oo ah dudada dalalka ku xeersan dawlada Itoobiya isagoo ka bilaabay Jabuuti, Suudaan iyo Kenya waxaana ku xigtay labadii dale e u hadhsanaa ee ku yaalay gobolka oo ah dalka Eriteria in uu aqoonsaday in gobolkii la isku hayay ee uu dilka badini ka dhacay dadka badanina ku dhinten uu aqoonsado isagoo go’aankii Algeris lagu gaadhay raacaya in dawlada Eriteria leedahay”.

Qoraa boobe yuusuf ducaale waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta ay ku yeelan karto geedi socodka iyo madaxbanaanida Somaliland booqashada Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku tagay dalka Soomaaliya.”Maaha waxa ay dhibsadaan shacabka reer Somaliland waxaana shacbiga reer Somaliland u dan ah in mar walba oo ay nabad geliyada  geeska Afrika sii xoogaysataba ay helayaan dhago u nugul in ay maqlaan qadiyadooda oo daganaanshuhu uu sababayo in fursad la siiyo in Somaliland la dhagaysto lkiin inta xiisadaha iyo dagaaladu taagan yihiin ee ay weerar iyo daafac ay tahay dalalkaas dareen koodu wuu maqan yahay sida lagu dhagaystaana way adagtahay sidaa daraadeed waxaanu dadwaynaha Shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa booqashadaa uu magaalada Muqdisho ku tagay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay ayd mid waxka taraysa nabada iyo degenaanshaha geeska afrika islamarkaana xal loogu raadinayo sidii gayigan ay uga dhici lahayd nabad waarta oo dhab ahi dawlada Itoobiyana xaqbaay u leedahay in siyaasadeeda dibadu meeshay la gashaba ay tagto taasina mid Somaliland waxyeelaysa maaha waana mid sii xoojinaysa oo qasbaysa in ay dalalkani dagaan nagaadaan oo nabad ku naaloodaan oo ay dhagaystaan qadiyada Somaliland markaa shacbiga Reer Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa in aanay dhibsan oo aanay u qaadanin in ay wax gaadheen Somaliland-na waa waaqic dhaba oo ka jira geeska afrika oo qayb lama huraana ku leh nabad galiyada iyo wada deganaanshaha xuduudaha ay la wadaagto dalalka ay dariska la tahay si nabadana looga gudbo Baasaboor iyo xeerarka caalamiga ah lagu gudbo taasina ay tahay ta ay aqoonsiga ku mutaysanayso inay Somaliland ka reeban tahay Budhcad badeed Cudurada faafana ay qayb tooda ka qaadato oo ay door lixaadlena kaga jirto Isgaadhsiinta, Ganacsiga iyo isu socodka dalalka geeska afrika”.

Ugu danbayntii Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka qaatay khilaafkii xuduudeed ee u dhexeeyay dawlada Itoobiya iyo Eriteria  iyo dagaalka Tukaraq ee u dhexeya Somaliland iyo Soomaaliya.”Xal way u noqon kartaa go,aanka Ray’iisal wasaaraha itoobiya ka qaatay soo afjarida khilaafka xuduudeed ee Itoobiya iyo Eriteriya inagana waxa la inaga rabaa laba arimood arinta Tukaraq taala ee dagaalada ka socdaa waa arin ku xidhan wadahadalkii iyo murankii dhexyaalay Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay  ila tahay marka ay dib u furmaan wadahadaladu inay noqon doonto uun wax yar oo faraca oo ku jira waxyaabaha guud ee laga wada hadlayo midnimada Soomaaliyeedna anagaa u taagan shalayna anagaa u taagnayn maantana anagaa u taagan waxaanan u taagan nahay laba jamuuriyadood oo la yidhaa Somaliland iyo Soomaaliya maantana waxaanu arkaynaa in Soomaaliya ay Sarif matay oo ay todoba jamuuriyadood ay sii socoto walibana ay ku daba jiraan qaar kale oo farabadan oo ay beritana aragno Hiirshabeele oo laba ah Galmudug oo laba ah iyo Koonfur Galbeed oo laba ah iyo waxyaabo kale markaa shalayba anagaa ayaa keenay midnimada maantana anagaa u taagan”.

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS