“Diblamaasiyadda Hadalku Waa Halkeeda, Laakiin Kulankan Iyo Sawirkan Way Caddahay Fariinta Hogaamiyaha Itoobiya Uu u Gudbiyay Farmaajo” Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Diblamaasiyadda Hadalku Waa Halkeeda, Laakiin Kulankan Iyo Sawirkan Way Caddahay Fariinta Hogaamiyaha Itoobiya Uu u Gudbiyay Farmaajo” Cali Guray.
June 17, 2018 - Written by Editor:

“Xidhiidhka Ethiopia Iyo Somaliland Waa Mid Istraataji ah Itoobiyana Way Taqaan Sida ay U Ilaashanayso Danaheeda” Cali Guray.

HARGAYSA(W,N) Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamida Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay kulankii farmaajo iyo raysal-wasaaraha Itoobiya isagoo farta Ku fiiqay in aanu wax saamayn ah ku Yeelanayn  Xidhiidhka Siyaasadeed Ee Somaliland iyo Itoobiya  iyo danaha ka Dhexeeya toona.

ABIY IYO FARMAAJO

Qoraal kooban oo uu Arimaasi kaga hadlayo  uu ku Baahiyay Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshada Ee Facebookga Ayaa Udhignaa Sidan;

ISHI GITAA!

بارك الله بالحبش

Xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland waa mid istraataji ah Itoobiyana way taqaan sida ay u ilaashanayso danaheeda istraatajiga ah. Hadda diblamaasiyadda hadalku waa halkeeda laakiin kulankan iyo sawirkan way caddahay fariinta hogaamiyaha Itoobiya uu u gudbiyay Farmaajo iyo jawaabta uu helayba waana “ka qaad faraha Mashruuca Horumarinta Dekedda Berbera”, hadii kale….. wuxu ku jawaabay Farmaajo sawirka ayaa inoo sheegaya ISHI GITA ama “Yes Sir”. La soco waxa u waydaartay amiirka leh dhaxalka Imaaraadka Carabta Ibnu Al nahyan. Farmaajo wuu ka hor qaaday birtii mashruuca dekedda Berbera iyo weliba waddada Berbera/Tog wajaale.

CALI GURAY

Sedexda dekedood ee kale Somaliland kama xuma marna may diidin hadii ay jirto cid horumarinaysana xaasha diidina mayso waayo reer Somaliland wax soomaali u soo kordhaya horena umay diidin haddana diidimayso waayo waa dad calool wanaagsan oo cid kasta oo soomaali ah wanaageeda jecel. Waakii Alleh ha u naxariistee Maxamed Cumar (Huuryo) sheegay ee yidhi;

Hadaan dabin lagu legdayn

Libaaxaa rabaysmayee

Ma laylyamo sida dhurwaa

Labaatan kuwii i dagay

Lugoo ma idhaahda oo

Lurkaan necebahay aadamaha

Muqdisho weli Itoobiya waxa looga yaqaan Cadawga Koobaad ee Soomaalida Hargeysana waxa ka tahay Saaxiibka Koobaad ee shacbiga somaliland ay dunida ku leeyihiin, hadda maaha Geeska, Hada maaha Qaaradda, waa dunida oo dhan beenba maaha ee waa dhulkii barakaysnaa ee helay ducadii Nebi Muxammed scw بارك الله بالحبش

QALINKII IYO FAALADII SIYAASI/MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

 

COMMENTS
LINKS