Duqaymaha lagu hayo magaalada Xudeydah ee dalka Yemen oo si xoogaystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duqaymaha lagu hayo magaalada Xudeydah ee dalka Yemen oo si xoogaystay
June 18, 2018 - Written by Wariye:

_102095179_366704c3-6b73-42a5-955d-c6909fd64b7dHargeisa(wjn):Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqaymo dheeraad ah oo ay la beegsadeen magaalada dekadda leh ee Xudeydah ee dalka Yemen.

Magaaladani ayaa waxa ku xooggan dagaalyahanada Xuutiyiinta oo iyagu ku gacan seyray baaq ahaa inay isaga baxaan.

Diyaaradaha dagaalka ayaa la sheegay inay bartilmaameedsanayaan ciidamada Xuutiyiinta ee difaaca ku jira iyo qaar saaran dabaqyada dushood meel u dhaw garoonka magaaladaasi.

Ergayda Qaramda Midoobay u qabailsan Yemen ayaa horey iskugu dayay in wadaxaajood lala galo Xuutiyiinta si dagaalka lo soo afjaro.

Balse isku daygaasi ayaa noqday mid fashilmay oo aan lagu guulaysan.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in duullaanka ay horkacayso xukuumada Sacuudiga uu horseedi karo khasaaro soo gaara dadka rayidka ah.

Waxaa sidoo klae jirta cabsi laga qabo in dagaalkan loogu jiro gacan ku haynta magaalada dekadda leh ee Xudeydah ay ka dhalan karto in gargaarka bina’aadnimo uu hakad ku yimaado.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.

Duqaymaha magaalada Xudeydah ayaa billaabmay Arbacadii toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Habbane

COMMENTS
LINKS