Senegal iyo Japan oo guul gaadhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Senegal iyo Japan oo guul gaadhay
June 19, 2018 - Written by Reporter:

Xulka kubadda cagta Japan ayaa guul ku billowday cayaaraha koobka adduunka ayaga oo 2-1 kaga adkaaday dalka Columbia.

Cayaartan oo ahayd tii koowaad ee maanta dhacday ayaa waxaa Columbia calaamadda casaanka ah laga siiyey Carlos Sanchez daqiiqaddii saddexaad ee cayaarta.

Isla group-ka H waxaa dalalkan kula jiray dalalka Poland iyo Senegal oo iyagana cayaar xiiso leh ay dhex-martay fiidkii caawa xilliga geeska Afrika.

Senegal ayaa 2-1 kaga adkaatay Poland, waxaana dalkan uu noqday kii ugu horreeyey Afrika ee guul ka gaadha cayaaraha koobka adduunka illaa hadda.

 

C07C4066-CF60-4F74-8A03-02DC6C32185F_w1023_r1_s

 

COMMENTS
LINKS