Warbixin Daboolka Ka Qaaday Musuq Maasuqa Xakamaha Goostay Ee Maayarka Gabiley Iyo Kharashaadka 18 Mashruuc Oo Lagu Lunsaday Miisaaniyadii 2017. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Daboolka Ka Qaaday Musuq Maasuqa Xakamaha Goostay Ee Maayarka Gabiley Iyo Kharashaadka 18 Mashruuc Oo Lagu Lunsaday Miisaaniyadii 2017.
June 20, 2018 - Written by Editor:

 Ka Akhri Gudaha 18 Mashruuc Oo Laga Lunsaday Miisaaniyada 2017,  Qormadii 1Aad.

GABILEY(W,N) Tann iyo markii ay hawlo baadhis ah ka Bilaabeen Hantidhawraha guud ee qaranka qaar ka mida Dawladaha hoose ee dalka S/land,waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya wararka sheegaya heerka uu marayo ku takrifalka Hantida umada iyo Musuq maasuqa xakamaha goostay ee ay ku kaceen Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi iyo Masuuliyiinta la wadaagtay  Masuuliyada Saxeexa, Taasi oo keentay xiligan in hantidhawrka guud ee qaranku ay baadhitaano ka wadaan,
maayarka gabiley
Iyadoo,Shabakada wararka Wajaalenews.net Ukuur gashay Xogogaal Unoqoshada Musuq Maasuqa Baahsan Ee Ragaadiyay Golaha Deegaanka Gabiley Ayaa waxay heshay xogta  Wax isbadamarin ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Ugudbiyeen Hantidhawraha guud ee Qaranka,  Warbixin taasi Oo daboolka ka qaaday xadiga Musuq maasuq Ee uu ku kacay Maayarku  iyo Kharashaadka 18 Mashruuc oo Laga Lunsaday Miisaaniyada 2017.   una dhignayd   Sidan;

          1. Dayactirka Wadada Boodhlay,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 700,000,000, anagoo         cadaymo buuxa u hayna in aan Mashruucaasi wax laga fuliyay aanu jirin .

  1. Kabka Waxbarashada waxaa Miisaaniyadda Sannadkii hore ee 2017 ugu jira Kharash dhann. 306,104,550,anagoo Marag cad uga dhigayna in ayna Macalimiinta Sannadaha badan Taburuca ardayda ugu dhigta Dugsiyadu aanay helin gunada Miisaaniyada loogu daray .

  2. Ka qayb galka wadada Alaybaday Miisaaniyadii Sannadkii 2017 waxaa loogu daray Kharash dhann.700,000,000.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyadda Sannadka 2018 loona qoondeeyay 557,000,000 .

  3. Samaynta Biyo Mareenada,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 70,186,850. Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyadda Sannadka 2018 loona qoondeeyay,300,000,000

    5. Gunooyinka Golaha waxaa Miisaniyada 2018 ugu jira Kharash dhann 1,263,000,000.Halka Miisaaniyadii Sannadkii 2017 ay ka ahayd 1,011,000,000. iyadoo faraqa u dhaxeeyaa yahay 252,000,000.oo marka loo qaybiyo 21 Xilldhibaan korodhka Gunada Xilldhibaanka midkiiba uu noqonayo 1,000,000.Bill kasta.Dhamaan Kharashka Guno kordhinta Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ah ma qaadano Lixda Bilood ee Sannadka 2018 waana la lunsadaa.

6.Iibinta Gaadhi Dab Damis ah,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 266,165,000.  Anagoo cadaymo buuxa u hayna in aan la fulin Mashruucaasi loo dhaqaaqin xagiisa.

7.Dhisme Xarun Caafimaad Tuulada Boqor ah,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan  50,000,000.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyadda Sannadka 2018 loona qoondeeyay 95,000,000.

  1. Talaagada Maydka lagu rido,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 95,600,000. Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyada Sannadka 2018 loona qoondeeyay 120,000,000 .

  2. Iibinta Haamaha Ogsajiinta Dhakhtarka wayn ee Gabiley,waxaa Miisaaniyada 2017 ugu jiray kharash dhan 30,000,000.Halka dib loogu soo celiyay Miisaaniyada Sannadka 2018 loona qoondeeyay 50,000,000.

LASOCO WARBIXINTAN OO AYNU SI QOTODHEER UGU IFTIIMIN DOONA MUSUQ MAASUQA BAAHSAN EE RAGAADIYAY MAGAALADA GABILEY IYO KU TAKRIFALKA HANTIDA UMADA   EE UU KU KACAY MAAYARKA MAGAALADA  GABILEY.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS