Faransiiska oo u gudbay wareega 16-ka Koobka Aduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faransiiska oo u gudbay wareega 16-ka Koobka Aduunka
June 21, 2018 - Written by Reporter:

Xulka kubadda cagta Faransiiska ayaa u gudbay wareega 16-ka ee Koobka Aduunka, kadib marki ay maanta 1-0 kaga badiyeen kooxda qaranka ee Peru.

Ciyaartan oo ka tirsaneyd Group-ka C isla markaana ka dhacday garoonka Ekaterinburg Arena ee magaalada Yekaterinburg ayaa waxaa goolka guusha xulka France u saxeexay Kylian Mbappe daqiiqadii 34-aad ee qeybti hore ee ciyaarta.

Mbappe oo 19 jir ah, ayaa noqday laacibkii ugu da,da yaraa ee Faransiika gool u dhaliya tartanka ciyaaraha Koobka Aduunka. Goolkiisa ayaa yimid kadib marki kubad uu Olivier Giroud ku shuuday goolhayaha Peru Pedro Gallese uu kadaba tagay Mbeppe kadibna ku taabtay shabaqa.

Peru, oo sannadkan kasoo qeybgashay Koobka Aduunka marki ugu horreysay tan iyo sannadki 1982-ki ayaa xaqiijisay in ay ka hadhay tartanka, kadib marki ay khasaartay labadi kulan ee ay la kala ciyaartay Denmark iyo France.

Soo bixitaanka xulka France ee wareega xiga ee Koobka Aduunka ayaa ka danbeysay kadib marki xulalka Denmark iyo Australia ee ay isku Group yihiin France maanta isku mari waayeen bareejo 1-1 ah.

Goolka waxaa la hormaray Denmark waxaana daqiiqadii todobaad ee ciyaarta u saxeexay Eriksen, balse Australia ayaa ka daba tagtay kadib markii uu rikoodhe gool ugu dhaliyay ciyaaryahan Mile Jedinak.

.

C5784048-1793-47C5-9F6F-A9167BE44F70_w1023_r1_s

COMMENTS
LINKS