Brazil oo Guul Mihiim ah Ka gaadhay Costa Rica | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Brazil oo Guul Mihiim ah Ka gaadhay Costa Rica
June 22, 2018 - Written by Reporter:

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Philippe Coutinho & Neymar Junior ayaa soo nooleeyay rajada ay Brazil ka leeyahiin iney usoo baxaan wareega 16-aad ee koobka Adduunka.

Brazil hadda waxey ka horreeyaan Serbia oo 3-dhibcood kasoo qaadatay Costa Rica, balse hada la ciyaaraysa Switzerland.

Xulka Brazil ayaa si dar-dar ah ku bilowday iyagoo ka warqabay iney u baahan yahiin guul si ay ugu yaraan u noqdaan kuwa ugu cad-cad ee kasoo baxa group-kooda, maadaama ay kulankii furitaankooda ku fashilmeen iney ka badiyaan Switzerland.

_102163249_coutinho_hero_getty

COMMENTS
LINKS