Fariin Muhiima”Safaarada Djibouti Ee Magaalada Hargeysa Oo Bilaabi Doonta Diiwangalinta Muwaadiniinteeda Hawlgabka Ah.” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fariin Muhiima”Safaarada Djibouti Ee Magaalada Hargeysa Oo Bilaabi Doonta Diiwangalinta Muwaadiniinteeda Hawlgabka Ah.”
June 23, 2018 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N):-Safiirka Dawlada Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye  ayaa  Baaq u Diray muwaadiniinta reer Djibouti ee ku sugan goballada iyo degmooyinka Somaliland inay safaaradu bilaabi doonto diiwangalinta dadka hawlgabka ah isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,

“Waxanu baaq u diraynaa dadka reer Djibouti ee ku sugan geyiga Somaliland,waxaanan leeyahay  23.06.2018 waxaan ka bilaabi doonaa xafiiska safaarada Jamhuuriyada Djibouti ee Majidka Sheekh Mustafe Agtiisa Diiwangalinta Dadka Hawlgabka ah, waxaanan idinka codsanaynaa inaad timaadaan si aad isu diiwaangalisid,shaqooyinkii kale oo dhan waa aanu joojinay waxaanan muujinay inaan dadkeena muwaadiniinta ah ee Djibouti ee hawlgabka ah iyo kuwa ka soo hadhay masuuliyinti keydka in ay nala joogaan oo aan wada shaqeynayno inaan u fududeyno oo xooga saari doono ayaan ugu talo galnay,taas oo ay tahay siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaacil Cumar Geele nagu amray anaga in soomaalida reer Djibouti meel kasta oo ay joogaan in loo adeego oo loo oo loo fududeeyo waajibkooda si ay iskaga dhex arkaan dawladooda.”Xuseen Cumar Kawaaliye

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu safiirku muwaadiniinta reer Djibouti ee Ku Sugan magaalooyinka iyo gobalada Somaliland In ay Soo qaataan kaadhkooda dhalashada passportkooda iyo kaadhkii cadeynaayay in hawlgab ay yahiin.

“waxaan idinka codsanaynaa inaad si baaxad leh uga qeyb qaadatiin oo aad soo qaadataan kaadhkiini dhalashada Djibouti ahaa, passport-kiini kaadhka Djibouti ahaa iyo kaadhkiini hawlgabka aad ku qaadanayseen ee cadeynaayay inaad hawlgab tihiin oo leh keydka bulshada reydka ah ee loogu tala galay hawlgabka”Ayuu yidhi.

Waa markii ugu horeysay ee muwaadiniinta reer Djibouti ee ku dhaqan Somaliland loo sameynayo diiwangalin hawlahoodi gaarka loogu fulinaayo.

Fariin Ka Socota Safaarada Jaaliyada Djibouti Ee Hargeysa.

Waxa La Ogeysiinayaa Jaaliyada Reer Djibouti Ee Ku Dhaqan Gobalada Iyo Degmooyinka Somaliland In Hay’ada Sanduuqa Qaran Ee Caisse National de Securite Sociale In Ay Bilaabayso Kormeer Iyo Diiwaangalintii Dadka Hawlgabka Ah,Waxaana Ay Soconaysaa Muddo Afar Maalmood Ah 23/06/2018 Ilaa 27/06/2018.

Shuruudaha Looga Baahanyahay Qofka.

1.Kaadhka Dhalashada 2.Basapor  3.Kaadhka Hawlgabka

Waxaana Lagu Wargelinayaa In Ay Ahaadaan Kaadhka Dhalashada Iyo Passport-ku Qaar Orignal Ah.

Faah Faahin Wixii Intaasi Dhererna Kala Xidhiidh Xafiiska Safaarada Jaaliyada Djibouti Ee Hargeysa.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Fariintan.

COMMENTS
LINKS