WAJAALE NEWS

Taageere Isdilay ka Dib Ciyaartii Messi Lagaga Badiyey 3:0 Koobka Aduunka!

Taageere taageersanaa wadanka Argentine iyo laacibka Messi ayaa ka xanaaqay ciyaartii 3 iyo Ebarka looga badiyey ciyaartaas oo ahayd ciyaartii dhex martay Argentine iyo Croatia ee koobka aduunka ee sanadka 2018.

Dinu Alex oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo u dhashay wadanka India ayaa isdeldalay markii laga badiyey xulkii uu taageeraha u ahaa ee laacibkiisu watay.

waalidka dhalay wiilkan ayaa sheegay in wiilkoodu labadii Casho ee ugu danbaysay aanu caadi ahayn isagoo ciyaarta si wayn u sugayey oo aad moodo in wakhtiga ciyaartu ku fog yahay ugu danbayntiina markii laga badiyey wuu isdeldalay.

Dhacdadan ayaa kamida dhacdooyinka cusub koobka aduunka ee sanadka 2018

Wariye M Ali Sheekh

Wajaalenews Sport

Hargeisa office

 

Exit mobile version