“Siyaasiyiinta Muqdisho Waa Kuwii Lixdankii La yaabay Somaliland oo Soomaaliwayn u Jibaysnayd”..Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Siyaasiyiinta Muqdisho Waa Kuwii Lixdankii La yaabay Somaliland oo Soomaaliwayn u Jibaysnayd”..Cali Guray
June 27, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusf (Cali Guray) ayaa waxa uu ka hadlay midnimadii dhexmrtay Somaliland iyo Soomaaliya 1960kii isagoo sheegay in Siyaasiyiinta Xamar ay wakhtigaas la yaabanaayeen markii ay Somaliland la midoowday Soomaaliya.”Siyaasiyiinta Muqdisho ama Somalia waa kuwii lixdankii la yaabay Somaliiland oo Soomaaliwayne u jibaysnayd oo iyaga hortood qaranimadooda helay bilaa shuruud baanu idinku raacaynaa. Inay la yaabaan way ahayd waayo iyagu may doonayn dan iyo muraadna kamay lahayn midnimo soomaaliyeed. Laakiin reer Somaliland markiiba way ogaadeen inay gef taariikhi ah galeen markii wax kasta ay qaateen kuwii ay shuruud la’aanta kula midoobeen.

Waxa markhaati u ah afgembigii saraakiisha Somaliland ee ahaa milatarigu ay isku dayeen ee dhicisoobay. Inqilaabka fashilay waxa ku dhintay qofkii ugu horeeyay ee u dhintay qadiyadda la soo noqoshada madaxbanaanidii uu sugantay Somaliland 26 Juun 1960kii oo ahaa L/xidigle Cabdillahi Siciid Caabi. Tan iyo wakhtigaasi halganku wuu socday hadba si uu u socdayba sida diiwaanka taariikhda soomaalida oo ah suugaantu ay ka marag kacayso. Soomaalidu waa run may ahaan jirin dhaqan ahaa dad wax qora ee waxay ahaan jireen, ilaa hadana yihiin dad hadla taariikhdoodaba ku diiwaangeliya suugaantood.

Markaa siyaasiyiinta Somaliya marka ay hadlayeen waad arkaysaa in aanay war badan haynin mana aha dad saraaxiyiin ah oo diyaar u ah in si furan loogala doodo midnimada soomaaliyeed ee ilaa hadda ay kaga dhegsan tahay waa muqadas siyaasiyiinta Somaliland laftooda way jirtaa oo ma jecla in si furan looga dooda arintan waayo bayr bay ka leeyihiin oo waxa ka maqan isku kalsoonidii”.

 

Mujaahid Cali Guray

COMMENTS
LINKS