Jarmalka oo laga reebay koobka adduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jarmalka oo laga reebay koobka adduunka
June 27, 2018 - Written by Reporter:

Xulka kubadda cagta Jarmalka ayaa markii ugu horeysay taariikhda tan iyo sanaddii 1938-kii lagu reebay wareegga koowaad ee koobka adduunka.

Jarmalka oo caawa la ciyaaray dalka Korea-da Koonfureed ayaa waxaa looga adkaaday 2-0, waxayna ku dhammeysteen kaalinta ugu hooseysay ee group-ka F, iyaga oo helay 3 dhibcood kaliya.

Labada gool ayaa waxaa Jarmalka laga dhaliyey intii lagu guda jiray daqiiqadihii dheeriga ahaa ee cayaarta lagu daray kadib 90-ka daqiiqo.

Korea-da Koonfureed ayaa sidoo kale soo hadhay iyada oo kaalinta 3-aad ka gashay isla group-ka, oo ay ka heshay 3 dhibcood.

Sweden oo iyana 3-0 kaga adkaatay xulka Mexico, ayaa kaalinta koowaad ku dhameysatay group-ka, halka Mexico ay gashay kaalinta labaad.

Labadan dal oo leh min lix dhibcood ayaa waxaa xagga goolasha koowaad ku galay Sweden.

 

BA35E23B-DBDF-4EBC-B2EB-67B4D83F1D40_w650_r1_s

COMMENTS
LINKS