Senegal oo ka hadhay Koobka Adduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Senegal oo ka hadhay Koobka Adduunka
June 28, 2018 - Written by Reporter:

Xulka kubadda cagta Senegal ayaa ka hadhay koobka adduunka, kadib markii Colombia 1-0 kaga badisay.

Senegal ayaa waxa ay noqtay Xulkii ugu dambeeyey ee Afrikan ah oo ka hadha koobka adduunka, mana jiro dal qaaradda Africa matalaya oo ku hadhay koobka.

Group-ka H oo ay labadan dal ku wada jiraan ayaa waxaa 6 dhibcood kaalinta koowaad ku galay Colombia, halka Japan ay 4 dhibcood kaalinta labaad ku xaqiiqsatay.

Japan iyo Senegal oo isku dhibco ahaa, ayaa waxaa Japan ay ku gudubtay cayaar wanaag, maadama ay qaateen 4 jaalle, halka Senegal ay qaadatay 6 jaalle.

COMMENTS
LINKS