Faransiiska oo Koobka Adduunka Ka Reebay Argentina | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faransiiska oo Koobka Adduunka Ka Reebay Argentina
June 30, 2018 - Written by Reporter:

Xulka France ayaa noqday xulki ugu horreeyay ee gaadha wareega siddeeda kooxood ee Koobka Aduunka ee sannadkaan 2018-ka, kadib marki ay maanta 4-3 ku garaaceen Argentina.

Ciyaartii maanta oo ka dhacday garoonka Kazan Arena ee magaalada Kazan ee dalka Russia waxaa kasoo dhex iftiimay oo xiddignimadiisa tusay indhaha caalamka Kylian Mbappe oo ah 19 jir weerarka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France, kaasoo dhaliyay laba ka mid ah goolasha ay ku badiyeen Faransiiska.

Mbappe isaga ayaa keenay goolki koowaad kadib marki lagu xanaaqadeeyay xerada ganaaxa, waxaana loo dhigay Rikoodhe Xulka France daqiiqadii 13-aad gool u beddelay Antoine Griezmann.Argentina ayaase ka daba tagtay waxaana goolki baraajaha si qurux badan ugu dhaliyay Angel Di Maria, 1-1 ah ayaana lagu kala nastay qeybti koowaad ee ciyaarta.

Argentina oo sidi ay goolki koowaadba u heshay hamigeedu sare u kacay ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 48-aad ee qeybti danbe ee ciyaarta, kadib marki uu gool u dhaliyay Gabriel Mercado.

Wixii markaasi ka danbeeyay muddo 10 daqiiqo gudahood ah ayay Faransiisku ka dhaliyeen saddex gool oo laba ka mid ahi uu muddo 4 daqiiqo gudahood ah ku dhaliyay Benjamin Pavard oo mid ka mid ah kuwa ugu qurxan ee laga dhaliyo sannadkaan ciyaaraha aduunka.
Goolka saddexaad ee Argentina waxaa dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay Kun Aguero. Sidaas ayayna France ku gaadhay wareega sideeda ee Koobka Aduunka.

France waxay la ciyaari doontaa mid ka mid ah xulalka Portugal iyo Uruguay oo hada ku wada ciyaaraya magaalada Sochi ee dalka Russia.

 

COMMENTS
LINKS