Russia oo reebtay Spain una gudbay Wareega Siddeeda ee Koobka Adduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Russia oo reebtay Spain una gudbay Wareega Siddeeda ee Koobka Adduunka
July 1, 2018 - Written by Reporter:

Xulka martigelinaya Koobka Adduunka ee sanadkan 2018-ka ee Russia ayaa u gudbay wareega sideeda ee tartanka, kadib marki ay maanta rikoodhayaal 4-3 ah kaga badiyeen xulka Spain.

Goolhayaha Russia Igor Akinfeev ayaa noqday geesigii garoonka, kadib marki uu rikoodhe ka qabtay laba laacib oo ka mid ah ciyaartooyda Spain. Akinfeev ayaa badbaadiyay rikoodhayaashii ay laageen Koke iyo Aspas.

Waxay aheyd ciyaartii ugu horreysay ee koobka aduunka sannadkaan oo la isla gaadho Rikoodhayaal, kadib marki 120 daqiiqo oo ay labada xul ciyaareen ay isku mari waayeen barbarro 1-1 ah.

APTOPIX Russia Soccer WCup Spain Russia

Goolka waxaa ku hor maray Spain daqiiqadii 12-aad, waxaana uu ahaa gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Sergei Ignashevich oo ah 38 difaaca uga ciyaara xulka Russia, hase yeeshee Ruushka ayaa ka daba tagay Spain kadib marki rikoodhe loo dhigay uu gool u baddalay ciyaaryahan Sergei Ignashevich oo weerarka ka ciyaara.

Ruushka intii lagu guda jiray rikoodhe-laagadashada dhamaan afarti laacib ee u laagay waa ay dhaliyeen. Waxaana garoonka Luzhniki Stadium oo ay xaadir ku ahaayeen 78 kun oo u badnaa taageerayaasha Ruushka uu mar qudha isu baddalay dabaaldag, kadib markii ay xaqiijiyeen in Ruushka ay u gudbeen wareega sideeda.

Waa marki ugu horreeyay oo ay wareegani gaadhayaan Ruushka tan iyo ciyaarihii adduunka ee sannadki 1966-ki.

Russia kulanka wareega sideeda ee tartanka waxay la ciyaari doontaa mid ka mid ah Denmark ama Croatia oo ciyaartooda ay hadda socoto.

COMMENTS
LINKS