Falanqayn: Faransiiska iyo Uruguay midkee badin doona? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqayn: Faransiiska iyo Uruguay midkee badin doona?
July 6, 2018 - Written by Reporter:

Xulalka Faransiiska iyo Uruguay ayaa maanta wada cayaaraya saacadda Afrikada bari marka ay tahay 5:00pm galabnimo Kulanka ugu horreeya ee rubuc dhammaadka koobka aduunka.

Uruguay oo aan guuldarro kala kulmin  7dii kulan ee ugu dambeeyey dhammaan tartamada guuldarro kalama kulmin France ayaa isha ku haysa in ay ka soo gudubto Les Blues.

Hase ahaatee, dalkii fiinalka gaadhay Euro 2016 waxaa iyana ka go’an in ay gaadhaan afart dhammaadka.

Cayaaryahanka dhanka weerarka uga cayaara xulka Uruguay Edinson Cavani ayaa la filaya maanta in uusan kasoo muuqan cayaarta xulkiiisa ay la cayaari doonan Faransiiska maadama uu dhaawac yahay.

Cristhian Stuani ayaa noqon doona qofka lagu baddeli doona Cavani si uu caawiyo weeraryahanka xulka Uruguay Luis Suarez.

Tabbabaraha kooxda Faransiiska Didier Deschamps waa inuu go’aan ka gaadho cidda baddali lahayd Blaise Matuidi oo aanan cayaarta laga joojiyay inuu ka qayb qaato.

 

Faransiiska

Xulka qaranka Faransiiska ayaa dadaal ugu jiraa sidii uu u gaadhi lahaa cayaaraha rubac-dhammaadka markii afraad tan iyo sannadkii 2006-dii.

Faransiiska ayaa afar jeer isku xigta gaadhay rubuc dhammaadka cayaaraha Koobka Adduunka.

 

Uruguay

Xulka Uruguay waa markii shannaad ay doonayaan inay ka qayb galaan cayaaraha rubac-dhammaadka ee Koobka Adduunka.

 

 

Shaxaha La Filan Karo

 

 

asa

COMMENTS
LINKS