WAJAALE NEWS

Xulka France oo 2-0 Kaga badiyay Uruguay, una gudbay Wareega afar dhamaadka Koobka Aduunka

Xulka qaranka France ayaa gaadhay wareega afar dhamaadka koobka adduunka 2018 kadib markii ay Uruguay kaga badiyeen 2-0.

Kulanka ayaa ku bilaawday dardar xoogan iyadoo labada dhinac ay si xoogan isku weerareen, xulka qaranka Uruguay ayaa waxaa kulankan ka maqnaa xidigooda muhiimka ah ee Edinson Cavani, kadib markii uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii Portugal.

Kulanka ayaa qeybtiisa hore ay ku kala nasteen labada xul France iyo Uruguay 1-0 ay ku hogaaminayeen wiilasha Didier Deschamps ee France.

Goolka koowaad ee xulka qaranka France ayaa waxaa u dhaliyay difaaca kooxda Real Madrid Raphael Varane daqiiqadii 40-aad, kadib markii uu ka caawiyay Antoine Griezmann.

Qeybtii labaad marka dib leysugu soo laabtay ayaa halkeedii kasii wadeen weerar labada dhinac waxaanay markale soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyadoo labada dhinacba ay sameeyeen isku dayo macquul ah.

Laakiin daqiiqadii 61-aad ee qeybtii labaad ciyaarta xulka qaranka France ayaa markale la yimid goolka 2-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Antoine Griezmann, kadib markii uu ka caawiyay Corentin Tolisso.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay guusha ku raacday xulka qaranka France oo u gudbay wareega xiga ee afar dhamaadka koobka aduunka 2018.

 

 

Exit mobile version