Sanadkan Dad Nooceeya Ayaynu Dooranaa Golaha Deegaanka Iyo Baarlamaankaba?W/Q: Khadar Ibrahim Aar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sanadkan Dad Nooceeya Ayaynu Dooranaa Golaha Deegaanka Iyo Baarlamaankaba?W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
July 6, 2018 - Written by Editor:

Xildhibanada golaha deegaanka iyo Baarlamaankaba ,intooda badan waxa aynu kala kulanay dib u dhac iyo dibin daabyo aan kow iyo labo toona ahayn,ilaa qaarkood ay ina nacsiiyeenba dawlad nimadii iyo habkii doorashada.

Taloow maantana ma sidibaa?? waxa ay ila tahay haa yoo waxba ismay badalin,mar hadii caqliyadii iyo maskaxdii ay kasoo maaxan lahayd soo saarista xildhibaanka fiicani ay maanta ku asqaysan tahay Qabiil iyo qolo-qolo.

KHADAR Aar

Maalinba maalinta kasii danbaysa ayay kasii liidataa,oo kaba soo rayn mayso,xildhibaan gole-deegaan waxaaban ku nacay,marka aan arko ama aan daawado xasuustana burburka iyo basanbaaska ka muuqda magalooyinka Somaliland gaar ahaan wadooyinka khaasatan Hargaysa.

Arintu ma kama-soo raysaa? mise aniga ayaa niyad jab xoogani igu dhacay? oo dadka kale ilamaba arkayaane taloow aniga maxaa i dareen galiyey?

Nacayb shiiyaha iyo niyad jabka wayn waxaa igu dhaliyey markii aan arkay xildhibaan gole deegaan oo aad moodo ganacsade /maalqabeen ah,guryaha,dhulka iyo baabuurka raaxada ee noocba nooca ee uu ku gaashaaman yahay,waa ninkii shalay aan doortay ee qaawanaa mudh iyo gacan ,kaasi oo aan islahaa dalka faqiirkaa ee aan aduunka ka haysan wax aqooniya ayuu wax kusoo kordhinayaa.

Toolay maxaan yeelaa ,toolay maxaad ila yeelaysaan dadkaygoow dalkeena maxay ayaynu ka yeelnaa.Ma jecli in ilaa xadka aan niyad jabo idinkana idin niyad jabiyo ,waayo waxa aan ogahay in ragbadan oo wanaagsani wali ay joogaan,walaw ay ku adag tahay qaarkood sidii ay salaanka siyasada ee dalka usoo halabsan lahayeen iyaga oo si daacad ah dadkooda iyo dalkooda wax ugu qaban lahaa.

Xildhibaanadu ma wada xuma kolay rag yar oo fara-kutirisii iminkaba waa ay joogaan,balse waxa ay somalidu ku maahmaahdaa fiintu roobka soo socda ayay ka qaylisaa.

Waxa aan hada arkaa oo ii muuqda isla markaana aan filayaa in aad ila aragtaan rag badan oo usoo mija-baxsanaaya in ay xildhibaano noqdaan,taloow ma dadkan iyo dalkan hoos u hoobtay ayay naf iyo nafiif ka dayeyaan,malayga aniga ayaaban wax badan la socono xildhibaanimaduba waa suuq ganacsi iyo sayladii adhiga.

Talaw ma dhaarinaa oo Kitaabka Quraankaa gacmaha ma u sarnaa,maya maya Kitaabka iyo dhaarta beentiiba waa kuwa halkaa ina dhigay, dhaarbeena oo Kitaabka baalaha lagu cadeeyaa horay inoo soo daashatay,kaalay oo ma dawlad aynaan dhaarin madax iyo mijo ayaa ina soo martay,balse su’aashu waxa ay tahay Kitaabkii ma lagu joogsaday oo xakame ma u noqday misse xaalku waa halkii ?kaba sii daran kadaroo dibi dhal ayay ku danbaysay.

Ninkasta oo iminka isa soo sharaxa wax aan ka sheegi karaa ma jiro,ninkii ilahay calaf ugu daraw waxqabadkaaga iyo halka aad wax gaadhsiiso marka aanu aragno ayaanu ku amanaynaa inta kalese naga raali ahaw.

Hadaba kumaa xildhibaan noqon kara?

Su’aasha jawaabteedu aad ayay u fudutahay ,kaliya waxaa inagaga filan Qur’aanka khaasatan qisadii Nabi Yusuf CS,markii uu Boqorkii xidhay ka dalbanaayay shaqada waxa uu ku yidhi uguna aqoon sheegtay *WAXA AAN AHAY MID QAWI’AH AAMINA AH.

Ufiirso labadaasi arimood,waa labada aynu ka dhimanay isla markaana dhamaan dalka horumarkiisii iyo himiladiisiiba hoos u dhigay,kadib markii la waayey qof shaqada uu umada u qabanaayo si hagar la’aan ah ugu guntada kaasi oo aamina ah oo xiftinaaya maalka yar oo ku jira khasnadaha dawlada.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

COMMENTS
LINKS