Belgium oo Koobka Aduunka Ka Reebay Brazil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Belgium oo Koobka Aduunka Ka Reebay Brazil
July 6, 2018 - Written by Reporter:

Xulka Belgium ayaa gaadhay afar dhamaadka koobka adduunka kadib markii ay 2-1 ay kaga badiyeen Brzail cayaartii ka dhacday Kazan.

daafaca Xulka Beldiem Kompany ayaa kubad madax ah ka dhaliyay daqiiqadii 13-aad.

Xulka Brazil ayaa fursado halis ah galiyay goolka Belgium waxa dhawr mar fursado khasaariyay Paulinho.

Daqiiqadii 31-aad Belgium ayaa hogaanka dheereysatay waxaan kubbad qurux badan goolka Brazil ku hubsaday Kevin De Bruyne markii uu caawinaad ka helay Romalu Lukaku.

Markii layskugu soo laabtay  qaybtii dambe ciyaarta Brazil ayaa dhan kasta ka weeraray Belgium laakiin waxaa khatar walba ka badbaadinayay goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois.

Cayaartu markii ay socotay daqiiqadii 76-aad Brazil ayaa heshay gool waxaan madax ugu dhaliyay laacibka badalka kusoo galay ee Renato Augusto isla cayaariyahankana ayaa ku sigtay inuu goolka barbaraha u dhaliyo Brazil.

Daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray cayaarta kubbad ay kow laba wada cayaareen xiddigaha Douglas Costa iyo Neymar  waxaa si fiican u Badbaadiyay Courtois.

Ugu dambeyna kulanka ayaa ku dhamaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday Belgium oo afar dhamaadka koobka adduunka la ciyaari doona France.

 

COMMENTS
LINKS