Somaliland Waxay Saboolka tahay Siyaasiyiinta ee Shacabku wuu Midaysanyahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Waxay Saboolka tahay Siyaasiyiinta ee Shacabku wuu Midaysanyahay.
July 7, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland beello shira, oo Siyaasad ka hadla umma baahna, lkn  Waxay u baahantay In Wixii khalad ah ama tabasho Saami qaybsi Siyaasadeed ah  ee jira Xukuumadda dawayso, Si loo hello bulsho mid ah oo Cadawgeeda meel uga soo wadda jeeda  horumar taamana higsata.

Inta badan bulshada Somaliland way ka Midaysanyihiin Jiritaanka iyo qaranimada Somaliland ee la, mahadiyay,  wayna ogyihiin hadaantii dheerayd iyo humaaggii ay ku hodmeen Muddadii Somaliland Ku jirtay midnimadii kumeel gaadhka ahayd ee lagu hungoobay, lkn Somaliland wali waxay Sabool ka tahay Siyaasiyiinta oo Aan la,hayn hadaf iyo hoggaamin ay Ku hantaan quluubta shacabka Somaliland oo ah shacab ay ka go,antahay In ay Noqdaan qaran  higsada asaagiisa duruuftu ka reebtay.

Sidoo kale Somaliland Maanta Waxay leedahay Cadaw Muuqda iyo mid qarsoonba kaas oo maleegaya dhagaro iyo Miinooyin u dhigayo jidka Somaliland Ugu Socoto horumarka iyo haybad qaranimo oo buuxda, Sidaa darteed Madaxweynaha iyo kaadiriintiisaba waxaa la’ gudboon In ay Si buuxda u dersaan Nockasta oo tabasho ah Si loo gufeeyo goldaloolooyinka gudaha ka jira,  loona  hello qaran Israacsan oo meel u wadda jeeda Islamarkaana loo waabiyo hanqal taaga Cadawga Somaliland ee doonaya In uu hagaaso qarankan dhiiga ku Jooga.

 

cabdixaafidm2016@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS