Xulka Ingiriiska oo ka badiyay Sweden | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka Ingiriiska oo ka badiyay Sweden
July 7, 2018 - Written by Reporter:

Xulka England ayaa marki ugu horreeysay tan iyo sannadkii 1990-kii gaadhay semi-finalka Koobka Aduunka kadib marki ay galabta 2-0 uga badiyeen Sweden.

Labada gool waxaa Ingiriiska madaxa ugu dhaliyay ciyaartooyda kala ah Harry Maguire iyo Dele Alli kuwaasoo ka farxiyay taageerayaasha England gaar ahaan kuwi ku jiray garoonka Samara.

Dele Alli iyo saaxibadiis oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Sweden

Maguire ayaa daah-furay goolka koowaad daqiiqadii 30-aad ee qeybti hore ee ciyaarta, halka Alli uu labeeyay waxyar kadib marki ay dib u billaabatay ciyaarta qeybteedii labaad.

Dhalinyarada macallin Gareth Southgate waxay hadda sugayaan mid ka mid ah xulalka Russia iyo Croatia oo ciyaartooda ay billaaban doono wax ka yar laba saacadood.

Ingiriiska hal jeer ayuu waligii qaaday Koobka Aduunka, waxana ay aheyd sannadki 1966-kii markaas oo uu isagu marti geliyay ciyaaraha.

COMMENTS
LINKS