WAJAALE NEWS

Croatia oo Semifinal u Soo gudubtay

Xulka dalka Croatia ayaa u soo gudbay Semifinalaha koobka kubadda cagta adduunka ee Ruushka ka socda, kadib markii ay ka adkaadeen waddankii marti galinayay tartankan.

Ciyaarta ayaa daqiiqadihii loogu tala galay ay ku dhammaatay 1-1, balse 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray ayay labada dhinac haddana min gool iska dhaliyeen.

Rikoodhooyaal ayay Croatia kaga soo gudbeen Ruushka, oo 4-3 aheyd.

Croatia oo muddo labaatan sano kadib, semifinalaha timid, ayaa waxay la ciyaari doontaa wiigan soo socda xulka dalka Ingriiska, halka Biljamka iyo Faransiiskuna ay sidoo kale ballansan yihiin.

 

Exit mobile version