Guurtida Somaliland Waxay Isu Bedeshay (FAMILY Business) Institution Ummadeed way ka baxday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guurtida Somaliland Waxay Isu Bedeshay (FAMILY Business) Institution Ummadeed way ka baxday.
July 9, 2018 - Written by Reporter:

Guurtida Somaliland waxay ahayd inay ahaa to tiirka seddexaad ee dawladnimo ee Somaliland oo ahayd meelaha (measurement) laga qaadi lahaa qiimaynta dawladnimo xagga Ictiraafka, xagga wadalahaasha dawladnimo, xagga nabadaynta beelaha, xagga habsocodka dawladnimo ku illaalinteeda iyo wixii la mida laakiin markii dhaxaltooyo iyo sidii daar abaahaa kaga dhintay ay ka dhigeen madax kusheeggii doonayey inay HANTIDA Guud bannaystaan xarraashkeeda ayaa kuurtidii u bedelay siday tahay imika. Marka mudda kordhinta la gaadho Suleiman gaal sidii wax waalanbuu maraa dhigtaa, bal filimada midea dib u milicsada, marka beeluhu islaayaana shidaanaaba shidan.

Somaliland waxaa ka qaloocday qaranimadii, God madawbay ku sii socotaa laakiin qaar wax yara mashaariicaynayaa waxay u arkaa faaiido inay gaadheen oo shaydaan baa wuxuu ku yidhi dabaqad saaraa samaysmaya sida wadamo badan ka jira oo dad ku aanay is a soo gaadh karin sida Pakistan India ama Europe laakiin waa been arintaasi oo wadamaday ku deyaa ayaan qaarbaa inay heer kan ay joogaan mujtamac ahaan iyo Dawlad ahaan ay shan kun oo sannadood ku qaadatay inay soo gaadhaan inaga lacag yar oo danguud laga dhacay oo aqalo dhagaxa la geliyey oon xittaa kiro kasoo baxayn ayey is leeyihiin dabaqad share AYAAD ku noqon.

Dagaalada isasoo taraya ee Siyaasad xumadu dhalisay hadday sii socdaan wixii danta guud laga dhacay waxba kama joogaan sannad gudihii. Durba afar hanjabaadood oo Puntland hadal dhuuso tuuga meel bannaan isla soo tageen waxay Muse Biixi kharash garaysay iyo qolyaha Jeegaanta isku sheegay millions dollars. Marka sida macangagga ah loo fikiro Allah baa sheegay oo khasaaraa lala kulmaa. Shirkii GACANLIBAAX aayaha Somaliland buu ka taliyey waana Taariikh meel taal laakiin hunguriga wedkii ma arkaa la yidhi, maalintii Guurtida laga duwey wadadii distooriga ahayd ee baarlamaankana lacag u qaybiska la baray ayey Somaliland baabaday ee maanta may baa iin. Wax kasta oo ay samayn jirtay madaxtooyadii iyo xukuumaddii uu SIILAANYO ka XANUUNSADAY ay qaban jirtay waxay ahayd burburin Somaliland oo Guurtidu ka mid ahayd markii dhaxal tooyo laga dhigay. Madaxweyne Muse Biixi waxaa hortaagan gidaar weyn oo uu wax ka dhisay oo ah Dawladda Somaliland Jeegaanbaa iska leh waa Dawlad AAN wax Ictiraafa haysan oo u baahnayd inay samaysato dacwad xalaala oo dad ku daraf illaa daraf u dhan yihiin inana Jeegaan baynu qolqolada adduunka la warwareegaynaa iyo Musuqmqasaq iyo maangaabnimo.

Xalku waa maxay? Waa Dawlad Xalaala iyo Xukuumad xalaala. Dawlad Xalaali waa maxay? Dawlad Xalaali waa Dawlad la wada leeyahay oo isu miisaaman Maxkamadda sare, Guurtida Baarlamaanka, CIIDAMADA madaxdoodoo dhan oo reeruhu ku wada jiraan ee laba reer isku koonin oo si distooriya oon madmadaw lahayn u shaqeeya. Xukuumad Xalaali waa maxay? Xukuumad Xalaali waa ta ku timaadda Doorashooyin aan lagu shuban sidii dhacay doorashooyinkii xukuumadda Kulmiye qabatay. Haddii sidaa la waayo Somaliland god Bay ku socotaa yaan been la isagu sheekayn.

 

MBashe (Meerkat)

 

COMMENTS
LINKS