Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wafdigii uu hoggaaminaayay oo Kormeer Indho-indhayn ah Ku Tagay dhismaha Jidka dheer ee Ceerigaabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wafdigii uu hoggaaminaayay oo Kormeer Indho-indhayn ah Ku Tagay dhismaha Jidka dheer ee Ceerigaabo
July 10, 2018 - Written by Reporter:

Ceel Afweyn (WJN)- Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayay ayaa kormeer ku soo maray goobo ay si xawli ah uga socoto dhismaha wadada dheer ee ceerigaabo oo gabo-gabo ku dhaw, madaxweyne ku-xigeenka ayaa halkaasi warbiximo kaga qaatay sida ay u socoto hawsha dhismaha wadadu hawlwadeenada gacanta ku haya dhismaha jidkaasi dheer.

Ingineerada wadada gacanta ku haya ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u sheegay in dhismaha wadada ay shaqadu ka socoto goobo kala duwan, islamaraana ay ku rajo wayn-yihiin inay dhawaan isku xidhmi doonaan Gar-adag ilaa Ceerigaabo, taasoo noqon doonta waddo laami ah.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in Dhamaystirka jidka Ceerigaabo yahay taariikh Somaliland soo maraysa, waxaanu si weyn uga hadlay dhibaatadii ay jidkaasi lahaan jiray wakhtiyadii ay waddo xumadu ka jirtay.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa uga mahad celiyay hawl-wadeenada dhismaha jidkani dheer isagoo Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in dawladda Somaliland dadaalkeeda isugu gayn doonto isku xidhka gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa kormeer lug ah kusoo maray gudaha magaalada Ceel-afweyn, iyo ceel-biyoodka ay magaca kula baxday magaaladaasi, iyadoo ay dadka shacabka ahi si weyn u soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigii la socday, waxaanu madaxweyne ku xigeenku ku boorinayay dadkaasi inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabad-gelyada iyo wada jirka ummadda.

Ugu danbayn Waxa iyana xusid mudan in ay iska soo daba-dhacayaan ergooyinkii u baxay deminta dirirta labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay ceel-afweyn, iyo deegaamada hoos yimaada, maalmahana uu si rasmi ah u furmi doono shirkii Nabadayntu, waxaanay Ergooyinkaasi ka kooban yihiin 66 Xubnood oo ay 13 ka mid ahi yihiin culimada dalka ugu waa weyn, halka 53ka kalena ay yihiin laf-dhabarta madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

kormeer5 kormeer2 kormeer1 kormeer3 kormeer4 kormeer6 kormeer7 kormeer8 kormeer9 kormeer10

COMMENTS
LINKS