WAJAALE NEWS

Falanqayn Ciyaarta Faransiiska iyo Belgium

Faransiiska iyo Belgium ayaa caawa wada Ciyaaraya cayaarta nus dhammaadka ee Koobka Adduunka.

Waxayna cayaarta dhacaysaa sacaadda Afrikada bari marka ay tahay 9:00pm fidnimo, Kooxda badisa waxay u gudbi doontaa cayaarta kama dambaysta ah.

Faransiiska

Waa markii lixaad ay Faransiisku soo gaadhaan cayaarta nus dhammaadka, waxaa laga badiyay saddex jeer oo kala ah sannadihii 1958, 1982 iyo 1986-kii balse waxay guulaysteen cayaarta nus dhammaadka sannadihii 1998 iyo 2006-dii.

Belgium

Markii ugu dambaysay xulka Belgium ay gaadhaan cayaaraha nus dhammaadka waxay ahayd sannadkii 1986-kii markaaso xulka Argentina ay kaga badiyeen 2-0, waxaa labada gool ka dhaliyay Diego Maradona.

Waxaa sidoo kale berito wada Ciyaari doona cayaarta nus dhammaadka xulalka Croatia iyo Ingiriiska.

Exit mobile version