Somaliya Markii ugu horraysay ayey La Xisaabtamaysaa Hay’aadka Adduunka. W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliya Markii ugu horraysay ayey La Xisaabtamaysaa Hay’aadka Adduunka. W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud
July 10, 2018 - Written by Reporter:

Soomaaliya markii ugu horraysay ayey la xisaabtamaysaa hay’aadka adduunka ee lacagta ee loo yaqaan “Bretton Woods” waa WBG & IMF . Isla xisaabtankan nooca kan ah waxa Soomaaliya ugu danbeysay 1981, oo qiyaas ahaan la ga joogo 29 sano.

Doodda adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya dhex maraysaa waxa ay nuxur ahaan daaran tahay shardi ka soo bixis. Soomaaliya oo hore loo gu lahaa $6.5 billion oo deyn ah ayaa codsatay 2012 in la ga dhaafo deynta si ay u hesho ammaah qaadasho iyo gargaar helis caalami ah.

Taa beddelkeeda dunida waxa ay ka codsatay in marka hore musuqa oo muddo dheer ay hormuud ka ahayd dhinac isaga leexiso. Arrintaa oo hadda u eg mid ay Soomaaliya horumar ka sameysay. Dakhliga dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay kor u kac weyn la kawsaday.

Sannadkii 2016 dakhliga dawladda Xamar waxa uu ahaa $112,2 milyan. Sannadka 2017 dakhliga waa uu labo kacleeyey waxana uu gaadhay $142.6 milyan. Kor u kaca boqollaydu waa 26.5%. Deeqda kabka ah ee dunidu ay siiso Soomaaliya waxa ay dhammayd $55.3 milyan 2016. Maanta waxa ay noqoneysaa markii ugu horraysay $103.6 milyan.

Dunida deeqda siisa dawladda Xamar waxa ay iclaamisay in kalsoonida Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ay ahayd markii hore 50%. Haddase caalamku kalsoonida uu ku qabaa tahay 85%. Yeelkeed, inkasta oo dedaallo badan la sameeyey haddana weli baahida Soomaaliya ee dhan walba waa faanoole fari kama qodna.

Somaliland iyada dhaqdhaqaaqa dawladnimadeeda isha ayaan si weyn oo taxaddar badan ugu hayaa. Waxa aan qirayaa in uu socod gaabis weheshaday jiro dhanka dhaqaalaha. Waxa aad mooddaa in dawladnimada wakhtigani tahay midda culminated dhaqaaluhu u yaqaan ‘Fiscal Cliff’.

Marka aad la eegayo cusaybka dawladnimada wakhtigan, waxa habboonaan lahayn socodka dhaqaale kiisa loo yaqaan ‘Pump Priming’. Haddii Alle raalli ka noqdo faallooyin dawladnimo waa ay innoo danbeeyaan.

 

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS