C.Ronaldo oo Si Rasmi ah ugu biiraya Juventus | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
C.Ronaldo oo Si Rasmi ah ugu biiraya Juventus
July 10, 2018 - Written by Reporter:

Weerar-yahankii naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu si rasmi ah ugu biirey naadiga Juventus.

Waxa la rumeysan yahay in dhinacyadu ay isku raacen heshiiskii kama dambeysta ahaa, oo weeraryahankaasi uga soo kaxeynaya dalka Spain oo uu 10 sano la joogay. Inkastoo lacagta rasmiga ah aan si cad loo shaacinin, ayaa haddana wararka qaar waxay sheegayaan inay ku dhowdahay boqol miylan oo Euro.

33 jirka reer Portugal, ayaa afar koobka Champions League kula guuleystay naadiga Real, balse waxa uu xidhiidh aan wanagsaneyn kala dhaxeeyay madaxweynaha naadiga Florentino Perez.

 

Capture

Ronaldo-Juventus-780x405

COMMENTS
LINKS