Xulka Qaranka France oo 1-0 Kaga Badiyay Belgium, Iskana Xaadiriyay Finalka Koobka Aduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka Qaranka France oo 1-0 Kaga Badiyay Belgium, Iskana Xaadiriyay Finalka Koobka Aduunka
July 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen Belgium. Samuel Umtiti ayaa noqday geesiga xulka France kadib marii uu dhaliyay goolka kaliya ee uu xulkiisu ku garaacay Belgium isla markaana ay ugu soo baxeen finalka koobka aduunka.

France ayaa hadda diirada saari doonta kulanka finalka koobka aduunka oo ay la ciyaari doonaan midkii habeen danbe soo baxa England iyo Croatia. Xulka qaranka France ayaa si cajiib ah uga soo gudbay imtixaanadii ay soo mareen waxayna hadda diyaar u yihiin in ay koobka aduunka hantaan markii labaad.

Qaybtii hore ee kulankan labada xul ee France iyo Belgium ayaa sameeyay fursado gool dhalineed gaar ahaan xulka qaranka France ayaa helay fursado dahabi ah laakiin waxay ku fashilmeen in ay ka faa’iidaystaan iyada oo Mbappe iyo Giroud ay awoodi waayeen in xulkooda ay uga faa’iideeyaan fursadihii soo maray.

Dhinaca xulka qaranka Belgium waxaa halista ugu badan France ku abuurayay Eden Hazard laakiin waxaa meesha ka maqnayd saamayntii xooganayd ee De Bruyne iyo Lukaku waxayna labada xul qaybtii hore awoodi waayeen in ay wax goolal ah iska dhaliyaan.

Marka la eego fursadihii ay labada xul abuureen gaar ahaan xulka France iyo in qaybtii hore gool la’aan lagu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay France iyo Belgium bilaabeen in ay halkoodii ka sii wadaan weerarkii qaybtii hore gool la’aanta ku dhamaaday waxayna markan si xoogan u raadinayeen in ay goolal la yimaadaan.

DAQIIQADII 51 AAD Xulka qaranka France ayaa la yimi gool waxaana u dhaliyay Samuel Umtiti noqday geesiga qarankiisa goolka muhiimada wayn lahaa u keenay iyada oo kubbad uu koorne ka soo tuuray Griezmann uu Umtiti ka awood batay Fellaini waxayna ciyaartu noqotay 1-0 uu France hogaanka ciyaarta kula wareegay.

DAQIIQADII 60 AAD Tababaraha Belgium Roberto Martinez ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay si ay goolka barbaraha u raadiyaan wuxuuna ciyaarta soo galiyay Dries Mertens isaga oo saaray M. Dembélé wuxuuna Belgium bilaabay in ay si xoogan u raadiyaan goolka barbaraha.

France ayaa markan awooda saaray in ay natiijada ay guusha ugu taagnaayeen ilaashadaan halka Belgium ay awoodoodii iskugu geeyeen weerarka si ay ciyaarta ugu soo laabtaan waxayna xaaladu noqotay mid sii adkaatay.

DAQIIQADII 80 aad Markii xaaladu isbadali wayday Belgium ayaa sameeyay badal kale waxaana kaydka looga yeedhay Y. Carrasco waxaana dardaaran dheeraad ah siiyay Thierry Henry oo ka mid ahaa kooxdii France koobka aduunka ku hogaamisay 1998 kii balse markan waxa uu doonayay in Carrasco uu France guusha ka joojiyo iyada oo ciyaarta laga saaray M. Fellaini.

DAQIIQADII 81 AAD Belgium ayaa ku dhawaaday in ay ciyaarta ku soo laabtaan kadib markii uu Hazard fursad fiican helay laakiin waxaa si cajiib ah u joojiyay Varane balse kubbada ayaa u tagtay  Witsel kaas oo darbo ku beegsaday goolka France laakiin goolhaye Lloris ayaa dhinac iskaga leexiyay!.

DAQIIQADIHII 85 AAD IYO  86 AAD Tababaraha France ayaa khadka dhexe ee kooxdiisa soo xoojiyay wuxuuna soo galiyay N’Zonzi iyo C. Tolisso si ay natiijada ciyaarta ugu xafidaan waxaana la saaray B. Matuidi iyo Giroud.

Xulka Belgium ayaa wakhtiga la baratamayay si ay goolka barbaraha u keensadaan isla markaana ay ciyaarta wakhti dheeri ah ugu dari karaan laakiin France ayaan doonayn in ay shaqo kale isku furaan waxayna samaynayeen wax walba oo ay natiijada ku ilaashan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, xulka qaranka France ayaa awooday in ay Belgium aamusiiyaan isla markaana ayna la iman goolka barbaraha taas oo keentay in ugu danbayn ay ciyaartu ku dhamaatay 1-0 uu France ku garaacay Belgium waxayna u soo baxeen finalka koobka aduunka iyaga oo sugi doona England iyo Croatia midkii soo baxa.

 

 

faran6 faran5 3750 faran 2 faran1 faran3 faran4 faran5 FARAN7 faran8 Umtiti

COMMENTS
LINKS