WAJAALE NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo U Sacabo Tumay Heshiiska Dhexmaray Itoobiya iyo Ereteriya

Hargeysa(WJN)-Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u sacabo tumay heshiiska nabadeed ee dhex maray wadamada Itoobiya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Biixi, oo qoraal kooban ku baahiyay bartiisa twitterkiisa, ayaa wuxuu sheegay in isbedelkaasi yahay mid taariikheed, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay bogaadinaysaa oo ay u sacabo tumaysaa in Itoobiya iyo Ereteriya wada jir u saxeexeen nabad, heshiis saaxiibtinimo oo ay ku dhawaaqeen in xaaladii dagaal dhammaatay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaas raaciyay, “Waa talaabo taariikhi ah oo tusaale ah. Waxay ka qayb qaadanaysaa degenaanshaha iyo nabadda guud ahaan gobalka Geeska Afrika.”

 

Xigasho: Wargayska Geeska Afrika

 

 

Exit mobile version