Adduunyada waxa jira 248 waddan – nasiib-darro-se waxa waddamadaa ka madaxbannaan 195 waddan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Adduunyada waxa jira 248 waddan – nasiib-darro-se waxa waddamadaa ka madaxbannaan 195 waddan
July 11, 2018 - Written by Reporter:

Adduunyada waxa jira 248 waddan – nasiib-darro-se waxa waddamadaa ka madaxbannaan 195 waddan oo leh calan iyo dawladnimo u gaar ah. Somaliland waxa ay ka mid tahay dalalka aan wakhtigan aqoonsiga buuxa haysan ee ay ka midka yihiin Taiwan oo ay aqoonsan yihiin 19 waddan iyo Kosovo oo haysata aqoonsi 50 waddan ah.

Waxa iyana jira qaar kale oo tiro ahaan aad u badan kuwaas oo noqday dhulalka ku tiirsanayaasha ah (Dependent Territories). Tiro ahaan marka la isku geeyo dalalka aa aan aqoonsiga rasmiga ah haysan iyo dalalka ku tiirsanayaasha ah, waxa ay tiro ahaan dhan yihiin 55 waddan.

Dalalka madaxa-bannaan waxa ku bahoobay Jimciyadda Quruumaha ka Dhexaysa 193 waddan. Kuwa madaxa-baannaan aan se ka midka ahayn UN waxa ka mid ah Palestine & Vetican City oo ah xarunta cibaado ee masiixiyada kaatoliga ah. Inkasta oo Palestine siyaasadda lahaanshiyaha dhulku curduduubtay haddana ummad ahaan 179 ayaa aqoonsan.

Dhammaan 248 waddan ee dunidu, waxa jira ammuur ay ka midaysan yihiin oo la isla qaatay, oo aan ka tanaasul lahayn. Ammuurtaa kuma keli aha 195 dal ee madaxa-bannaan iyo 193 dal ee Jimciyadda ku bahoobay. Waxase si guud isku la qaatay sanku neef leh qoom iyo qaran leh ah oo dhul yeeshay (nation with state). Ammuurtaasi waa in aan la is ammaahin masiir ummadeed iyo qaddiyad dhul.

Dhallinyarada xusbiyada kala taageersan mid ayaan la wadaagi lahaa; waana in si wal oo mucaarid iyo muxaafid la isugu yahay aan masiirka Somaliland iyo qaddiyadda siyaasiga ah ee dastuurku sharciyeeyey aan muhmal nacaseed la galin. Ma jirto marmarsiinyo keeni kara tanaasul xuduudeed. Xataa haddii qofka sidaa leh uu aaminsan yahay midnimo Soomaaliyeed xuduud tanaasul ma yeelan karto.

Tusaale ahaan, dalka Maraykanku waxa uu ka kooban yahay 50 gobol amma waddan oo midow ku ah hal jamhuuriyad amma qaran. Dhammaan 50 kaa State waxa ay leeyihiin xuduud kala xadaynneed oo u gaar ah mid kasta.

Texas waa State ka mid ah 50 State ee Maraykan waxa uu xad la leeyahay saddexda State ee kala ah; Louisiana, New Mexico & Arkansas oo dhammaantood ka tirsan USA. Sidaa soo ay tahay waa ay u kala soocan yihiin dhul iyo dheefba.

Dhan kale haddii aan ka eego Sool iyo Togdheer waa labo gobol oo Somaliland ka tirsan. Waxa ay leeyihiin xuduud cayiman oo la ma taabtaan ah. Si wal oo ay isugu dal yihiin deegaanku waa u kala soocnaanayaa. Waana si uu sanku neef leh u fahmay nidaan dawladnimo oo dabiici ah ee yaan loo daymo la’aan.

Fadlan ha xisbi sarrifan qarannimada ee quwee. Soomaaliya iskuma haynno Tukaraq ee waxa aynnu isku haynnaa dad iyo dal Somaliland la yidhaa oo isku dhan. Ma aha Sool iyo Sanaag qaybo ka mid ah waxa aynnu isku haynno Soomaaliya. Waa Lixda gobol ee Somaliland oo ah dhul, bad, cir, dad iyo duunyo aad leedahay oo la gu gu haysto.

 

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

 

 

COMMENTS
LINKS