Kulan Cilmiyeed Daraasaad Dhinaca Dhaqaalaha Ganacsatada Yaryar Ee Somaliland oo lagu Qabtey London | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Cilmiyeed Daraasaad Dhinaca Dhaqaalaha Ganacsatada Yaryar Ee Somaliland oo lagu Qabtey London
July 11, 2018 - Written by Reporter:

London (WJN)- Kulan cilmiyeed ka hadlaya daraasada dhinaca ganacsatada shirkad layda yar yar ee ka jira Somaliland ayaa waxa lagu qabtay magaalada London.

Kulan Cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacada Cardiff ayaa waxaa ka soo qayb galay Profasoro Aqoonyahano ajaanib ah oo hore uga qayb qaadan daraasad nooceega hore Somaliland uga dhicin waxaana diirada lagu saaray in la ogaado doorka dhaqaale ee ganacsatada shirkad layda yar yar ay kaga jiraan qaranka Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka dhaqaale ee ka jira Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa faah-faahin ka bixiyay ajandihii lagaga hadlay iyo ujeedka kulanka Boos oo ka mid ah safaarada Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo Iiid Cali Salaan oo ka mid ahaa Aqoonyahanada Cilmi baadhista ku sameeyay Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS