“Ismaaciil Bubaa Hadii Ay Is fahmaan Madaxwaynaha, Kow Ayuu Ka Yahay Dadka Wax Badan Ku Kordhin Kara”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ismaaciil Bubaa Hadii Ay Is fahmaan Madaxwaynaha, Kow Ayuu Ka Yahay Dadka Wax Badan Ku Kordhin Kara”Cali Guray.
July 11, 2018 - Written by Editor:

Siyaasi Cali Guray Oo ka Hadlay Aragtidiisa Kulankii Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Prof Ismaaciil Hure Buubaa.

HARGAYSA(W.N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Oo kamida Xubnaha Sarsare Ee Xisbi Xaakimka kulmiye ayaa ka Dareen Celiyay kulankii Madaxwaynaha Somaliland Shalay Qasriga Madaxtooyada Kula Yeeshay Siyaasi Ismaaciil Hure Bubaa oo kamida Siyaasiyiinta Mucaaridka Ee Xisbiga Wadani Isla Markaana ahaa Mishiinadii Hagayay Shirkii Buurta Gacan Libaax Ee Beelaha Gar-xajis.

KULANKII

Cali Guray ayaa kulankan ku tilmaamay mid muhiim u ah Madaxwaynaha xiligana loo baahan yahay in lala kulmo cidkasta oo dalka wax kusoo kordhin karta xaalada uu ku jirona Waxka qaban karta.

Qoraal kooban oo uu Cali Guray ku baahiyay barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka Bulshada Ee facebookga Ayuu sidaa ku Sheegay Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Xiligan Marka Aan Xaaladda Dalka Anigu Eegay Waxan Qabaa In Madaxwaynuhu u baahan yahay Inuu qaato dad Isaga wax ku kordhin kara Waayo Waxa jira dildilaac siyaasadeed, waxa jira Ruxan dhinaca amniga gaar ahaan Bariga Dalka dhaqaale xumo siiba shaqo la’aanta gaar ahaan dhalinyarada oo iyaduna dhibaato ah. Markaa Ismaciil hadii ay is fahmaan kow ayuu ka yahay dadka wax badan ku kordhin kara Madaxwaynaha”.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS