Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan Ballaadhan Isugu Yeedhay Dhamaan Ergooyinkii Ka Soo Qayb Galay Nabadaynta Deegaanka Ceel-afweyn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan Ballaadhan Isugu Yeedhay Dhamaan Ergooyinkii Ka Soo Qayb Galay Nabadaynta Deegaanka Ceel-afweyn
July 11, 2018 - Written by Reporter:

Ceel-afwayn (WJN)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayay ayaa galabta kulan isugu yeedhay dhamaan ergooyinkii ka qayb gelayay nabadaynta deegaanka Ceel-afweyn, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen salaadiinta ka kala socday dhamaan gobolada Somaliland, culimada caanka ah ee Somaliland iyo wafdiga madaxweyne ku-xigeenka oo ka koobnaa Wasiirka arrimaha guddaha,iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo guddomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada kulankani yahay sidii loo qaabayn lahaa wada xaajoodka lala gali doono labada dhinac ee dirirtu dhex martay, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in mudo kooban lagu soo af-jaro xaaladda ka taagan deegaamadaasi.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ku hadlay afka ergooyinka ayaa sheegay sida ay muhiimka u tahay hawsha ay wafdigani u socoto, islamarkaana waxa uu aad ugu dheeraaday dadaalo xoogan oo ay sameeyeen mudadii ay joogeen Ceel-afweyn isagoo niyad wanaagsan ka muujiyay xaaladda Ceel-afweyn oo uu sheegay in ay meel wanaagsan wax u marayaan ilia hadda oo ay ku sugan yihiin halkaasi.

 

IMG_2174 IMG_2169 IMG_2171 IMG_2173 IMG_2175 IMG_2176 IMG_2178 IMG_2180 IMG_2182 IMG_2193 IMG_2196 IMG_2201 IMG_2206 IMG_2217 IMG_2234

 

COMMENTS
LINKS