Jabuuti oo Laga Hirgaliyey Tamarta Laga Dhaliyo Uumiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jabuuti oo Laga Hirgaliyey Tamarta Laga Dhaliyo Uumiga
July 11, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Mashruucan oo lagu qodayo seddex ceel oo laga soo saarayo tamarta uumiga ee dhulka hoostiisa (Geothermal) ayaa waxaa fulinaya shirkad laga leeyahay Iceland, waxaana ku baxaysa 45 Malyan oo Doollar, Seddexda ceel ayaa ku yaalla deegaanka Fiicanle.

Wasiirka dhaqaalaha iyo miisaaniyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in uu muhiimad gaar ah u leeyahay mashruucan dalkiisa, gaar ahaan xilligan oo tamarta nadiifka ah ay dunidu aad u danaynayso.

Madaxweynaha jabuuti ayaa Mashruucaas xadhigga ka jaray, Waxaa la filayaa in tamarta korantada ee seddexdaas ceel ay daboosho 25% baahida korantada ee Jabuuti.

Sannadka 2020, Jabuuti waxay filaysaa in 100% korantada ay isticmaalayso laga dhalin doono uumiga ka soo baxa dhulka hoostiisa.

Jabuuti oo ah dal ay dadkiisu ka yar yihiin hal malyan oo qof ayaa aad ugu tiirsan tamarta korantada oo iminka qaali ah.

 

jabuuti1 jabuuti jabuuti2 jabuuti3

COMMENTS
LINKS