Xulka Qaranka Croatia oo Taariikhda Markii Ugu Horeeysay U Soo Baxay Finalka Koobka Aduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka Qaranka Croatia oo Taariikhda Markii Ugu Horeeysay U Soo Baxay Finalka Koobka Aduunka
July 11, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xulka qaranka Croatia ayaa markii ugu horaysay taariikhdiisa u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen England. Inkasta oo xulka England uu hogaanka ciyaarta hayay min daqiiqadii 5 aad ee bilawgii kulankan ilaa daqiiqadii 68 aad intii laga soo gaadhayay haddana qaybtii labaad ee kulankan ayuu Perisic xulkiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay.

Labada xul ayaa ku kala bixi waayay wakhtigii rasmiga ahaa taas oo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daray waxayna Croatia wakhtigan dhamaadkiisii ku keensadeen goolka ay guusha soo laabashada ah kaga gaadheen Three Lions.

DAQIIQADII 5 AAD Xulka qaranka England ayaa markiiba helay goolkooda furitaanka oo waliba ahaa mid cajiib ah kaas oo uu difaaca Kieran Trippier ku dhaliyay kubbad laaga xorta ah oo uu ka soo tuuray meel ka baxsanayd xerada ganaaxa Craotia isaga si buuxda u garaacay goolhaye Subasic waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay markiiba Three Lions hogaanka ciyaarta kula wareegeen.

Kaieran Trippier ayaa noqday ciyaartoygii England ah ee ugu horeeyay ee xulka England koobka aduunka kubbad laaga xorta ah gool ugu soo dhaliyay tan iyo 2006 kii markaas oo uu David Beckham ahaa xidigii ugu danbeeyay ee kubbad laaga xorta ah gool ku dhaliyay.

Xulka Croatia ayaa bilaabay in ay ka dagaalamaan goolka waxayna u muuqdeen kuwo aan jabin karin difaaca birta noqday ee xulka England kaas oo isbadal layaableh uu ku sameeyay Garth Southgate.

Ciyaarta ayaa noqtay mid sii adkaatay iyada oo England raadinaysay goolka labaad isla markaana dhinac ahaan taxadar ka muujinaysay in ay hogaanka ciyaarta iska lumiso waxayna Croatia ku dhibtoonaysay in ay fursado badan ku abuurto goolka England.

DAQIIQADII 29 AAD Harry Kane ayaa ku dhawaaday in uu England u keeno goolka labaad laakiin waxaa fursad fiican ka beeniyay goolhaye Subasic laakiin laba daqiiqo oo kaliya kadib Croatia ayaa markeeda heshay fursad halis ah iyada oo Rebic uu goolhaye Pickfor oo badbaadin sameeyay.

Wax walba oo uu xulka Croatia sameeyay waxay awoodi waayeen in ay qaybtii hore ciyaarta ku soo laabtaan oo ay keensadaan goolka barbaraha waxaana lagu kala nastay 1-0 uu xulka qaranka England guul finalka gayn kartay ugu taagnaa.

Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybti labaad ee ciyaarta  ayuu xulka Croatia soo laabtay isaga oo doonayay in ay keensadaan goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laabteen laakiin wali qorshaha ciyaareed ee England ayaa ahaa mid difaacasho iyo weeraro rogaal celis ah ku dhisan oo ay adag tahay in la dhaafo.

DAQIIQADII 68 AAD Croatia ayaa ugu danbayn heshay goolka ay wakhtiga dheer soo raadinaysay waxaana goolka Croatia u dhaliyay  Ivan Perišić kaas oo kubbad karoos aad u fiican ah ka helay  Šime Vrsaljko wuxuuna Perisic awooday in Walker oo kubbada madax ku saari lahaa uu lugta kaga horqaatay si uu u dhaliyo goolkan waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 70 AAD Xulka Croatia ayaa ugu dhawaaday in ay gabi ahaanba ciyaarta dhinaca kale u dhigaan kadib markii uu Stones ku fashilmay in uu kubbad iska saaro waxaana goolka labaad laba daqiiqo gudahooda Croatia ugu dhalin gaadhay Perisic.

DAQIIQADII 74 AAD Garth Southgate ayaa ku qasbanaaday in uu ciyaarta wax ka badalo wuxuuna saaray Raheem Sterling isaga oo kaydka uga yeedhay da’yarka Marcus Rashford. Croatia ayaa dhiiro galin wayn ka heshay goolka barbaraha waxyana culays ku bilaabeen difaaca England.

DAQIIQADII 82 AAD Croatia ayaa heshay fursad ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay wakhti xaasaasi ah kadib markii ay si fiican iskugu xidhmeen Mandzukic iyo Brozovic laakiin goolhaye Jordan Pickford ayaa awooday in uu gool badbaadin wayn sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, wakhtigii rasmiga ahaa ee 90 ka daqiiqo iyo waliba 3 daqiiqo oo dheeri ahaa oo ciyaarta lagu daray waxay England iyo Croatia isku mari waayeen barbaro 1-1 ah taas oo keentay in 30 daqiiqo oo wakhti dheeri ah ciyaarta lagu daray.

WAKHTIGA DHEERIGA AH:

DAQIIQADII 107 AAD Croatia ayaa markeeda heshay fursad ay ciyaarta ugu guulaysan kartay kadib marii uu Mandzukic uu kubbad cajiib ah ka helay Perisic laakiin goolhaye Jordan Pickford ayaa xulkiisa gool cadaan ah ka badbaadiyay.

Ismari waaga ciyaarta ayaa wali sii socda iyada oo 15 kii daqiiqo ee wakhtiga dheeriga ah markale lagu kala nastay barbaro 1-1 ah waxayna labada xul markan haysteen 15 daqiiqo oo kaliya si ay guul u gaadhaan ama ay rekoodhayaal u tagto ciyaarto.

DAQIIQADII 109 AAD Croatia ayaa markeeda heshay goolka labaad ee ay xaalada ugu xumaysay England kadib markii uu difaaca Three Lions qalad wayn sameeyay ee uu Perisic kubbad madax ah ku caawiyay Mario Mandžukić kaas oo si degan kubbada u dhaafiyay goolhaye Pickford waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Croatia dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii ciyaarta ee goolka wakhtiga dheer hogaanka looga hayay.

DAQIIQADII 112 AAD Jamie Vardy ayaa lagu soo xoojiyay weearka England waxaana la saaray Kyle Walker maadama oo ayna jirin wax ay difaacdaan waxayna England bilawday in ay wakhtiga kooban ee u hadhsanaa raadiso goolka barbaraha.

Wax walba oo uu xulka England sameeyay in uu keensado goolka labaad ee ciyaarta si uu rekoodhayaal qasab uga dhigo ayay awoodi waayeen waxayna Croatia awooday in ay natiijada ciyaarta ilaashato taas oo ugu danbayn keentay in Croatia ay 2-1 soo laabasho ah ku garaacday England si ay markii ugu horaysay ugu soo baxaan finalka koobka aduunka.

Croatia ayaa finalka koobka aduunka la ciyaari doona xulka qaranka France oo xalay u soo baxay kadib markii ay Belgium.

 

 

Perisicc 1531333272208_lc_galleryImage_Soccer_Football_World_Cup 1531333689889_lc_galleryImage_MOSCOW_RUSSIA_JULY_11_Har 1531334990665_lc_galleryImage_MOSCOW_RUSSIA_JULY_11_Kie 1531336744820_lc_galleryImage_MOSCOW_RUSSIA_JULY_11_Kyl 1531337269920_lc_galleryImage_Soccer_Football_World_Cup England-1 Ivan-Perisic Tripier

England-780x387

COMMENTS
LINKS