“Muuse Biixi Is-beddel Fiican Ayuu Wadaa, Waa Inuu Dulqaad Muujiyo, Isla Markaana Xoojiyo Xidhiidhka Diblomasiyadeed Ee Dalalka Dariska Ah”. Moha Faarax Jire | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muuse Biixi Is-beddel Fiican Ayuu Wadaa, Waa Inuu Dulqaad Muujiyo, Isla Markaana Xoojiyo Xidhiidhka Diblomasiyadeed Ee Dalalka Dariska Ah”. Moha Faarax Jire
July 11, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Drs Moha Farah Jire, ayaa  safaarada itoobiya si weyn ugu soo dhawayasay dalka kadib markay mudo 5 sanadood culuumta shahaadada Phdka ka diyaarisey arimaha  diplomasiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah ugu maqnayd  qaarada Yurub.  

Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo wargeyska Dawan la yeeshay Drs Moha F Jire oo ah rug cadaa arimaha Qaarada Africa ku  xeeldheer, gaar ahaan arimaha  Siyaasada, Diblomaasiyada, Amniga iyo Warbaahinta oo ay mudo kasoo shaqaynaysay iyadoo kasoo qabatay kaalimo kala duwan oo ay ugu ay danbaysey gudoomiyaha Suxufiyiinta Qaarada Afrika,ayaa sidoo kale noqotay Ergay arimaha Bani’aadamnimada u qaabilsan dalka Ghana iyo la taliye Arrimaha Warbaahinta ururka Midowga  Afrika (AU).  Drs Moha oo wax laga waydiiyay dareenkeeda ku aadan imaatinkeeda Somaliland ayaa ii sheegtay in ay aad ugu  faraxday in isbedel xoog leh oo ka dhacay dalka kaasi oo ay hormuud u tahay nabada dalku haysto.

Waxa kale oo ay aad ugu mahad celisey qusuliyada Ethiopia ee Somaliland iyo General Berhe Tesfaye oo ay sheegtay inay hayaan howl u baahan dhiiranaan, dulqaad iyo lexe jeclo ay diplomaasiyiintaasi wakhtigooda iyo noloshoodaba ugu hibeeyeen dadka walaalahood ah ee reer Somaliland. Drs Moha waxay ku dheeraatay  arimaha dimoqraadiyadeed ee dalka ka qabsomey iyadoo ku dhiiri galisey Madaxweyne Muuse Biixi inuu talada badsado, waxaanay tidhi, “Isbedel wanaagsan ayaa dalka ka dhacay oo dhiirigelin leh, Madaxweynaha la doortay Md Muuse Biixi isbedel fiican u wadaa, waa inuu dulqaad muujiyo Isla markaana xoojiyo xidhidhka diblomasiyadeed ee dalalka dariska  ah,  siyaasiyintu waxay kasbadaan quluubta shucuubtooda sanadka koowaad inta ka danbeysana si  degan oon dar dar  badan lahayn ayay howlaha u fuliyaaan bey tidhi Drs Moha iyadoo aad uga gaabsanaysa falanqeynta xaalada hada dalku ku sugan yahay waxayna ku dartey in madaxweyne ka qalbi wanaaagsani uusan soo marin dalka loona baahan yahay in loo dul qaaato waxii aan qabsoomin  lana hogol tusaaleeyo madaxweynaha oo dhismaha dalka lagala qayb qaaato.

Drs Moha ayaa sheegtay in xilligan wadciga Geeska Africa  marayo xaalad adag oo u baahan in sidii ugu degan oo fiiro dheeraad ah leh lagu eegayo dhaq dhaqaaqyada lagula macaamalo beesha caalamka, waxan ku laabanayaa dalka itoobiya oo ii  ahayd xarun  aan wax ku bartay, ku shaqeeyay kuna soo taabo-galay.

COMMENTS
LINKS