Hay’adda Amnesty International oo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Ciidamada Amniga ee Yemen Ku Eedaysay inay geysteen dambiyo dagaal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Amnesty International oo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Ciidamada Amniga ee Yemen Ku Eedaysay inay geysteen dambiyo dagaal
July 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedaysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo ciidamada amniga ee Yemen ee Imaaraadka xulufada la ah inay geysteen dambiyo dagaal, iyaga oo lagu eedeeyey inay jidhdileen dad ku jiray xabsiyo qarsoodi oo ka jira dhammaan koonfurta Yemen.

Warbixinta Amnesty ayaa lagu yidhi “Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo xaalado aan caddeyn kaga shaqeynaya Koonfurta Yemen ayaa u muuqda inuu abuuray hanaan amni oo aan sharci ahayn, iyada oo la geystay xadgudubyo laga argagaxo, oo wali socda iyaga oo waxba laga qaban.”

Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si soo noqnoqatay u diidday in xabsiyo qarsoodi ah ay leedahay. Waxay sheegtay in maamulka Yemen uu si buuxda gacanta ugu hayo hanaanka caddaaladda iyo xabsiyada dalka.

Amnesty ayaa Maraykanka ugu yeedhay in uu meel adag ka istaago adeegsiga jidhdilka ee dalka Yemen ka dhacaya, isla markaana uu diido macluumaadka lagu helay iyada oo la adeegsanayo hababkaas, marka dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

COMMENTS
LINKS