Kal-fadhigii 16-aad Ee Golaha Wasiirada Somaliland oo Lagu Gorfeeyay Tayeynta horumarinta Waxbarashada dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kal-fadhigii 16-aad Ee Golaha Wasiirada Somaliland oo Lagu Gorfeeyay Tayeynta horumarinta Waxbarashada dalka
July 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, xooggana loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.

Taabbo-gelinta tababarrada macalimiinta oo muhiim u ah aas-aaska waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo xirfaddooda aqooneed, lana tayeynayo  agabyada waxbarashada.

Iyadoo laga duulayo muhiimadda dugsiyada farsamada gacantu u leeyihiin shaqo abuurka iyo barashada xirfadaha kala duwan, waxay xukuumaddu hawlgelinaysaa dhammaan dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, si loo kobciyo mihnada aqoonta bulshada.

Waxa kale oo goluhu isla qaatay in waxbarashada gaarka loo leeyahay lagu dabbaqo manhajka qaranka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada dalka.

 

5 3 4

Capture

 

COMMENTS
LINKS