Maxaad ka ogtahay markay Dawlada Eriteria qarka ula saarnayd ictiraafka s/land ,maxaadse ka ogtahay inta jeer ee caalamku isla soo qaaday ictiraafka s/land | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad ka ogtahay markay Dawlada Eriteria qarka ula saarnayd ictiraafka s/land ,maxaadse ka ogtahay inta jeer ee caalamku isla soo qaaday ictiraafka s/land
July 12, 2018 - Written by Reporter:

Dad fara Badan oo reer s/land ah  ayaa u haysta in weligeedba aan cidi soo qaadin qadiyada ictiraafka s/land   sidoo kale  Dadka soomaalida oo aad uga soo horjeeda qadiyada s/land   ayaa  u haysta in  aanay dhici karayn in caalamku sinaba  u aqoonsado s/land!  iyaga oo taas  sabab uga dhiga  in caalamku aanay marna ogolaan Doonin in somalia lakala gooyo!!  cajiib  maxaa caalamka faa iido ugu jirta  waxay ku sheegayaan Midnimada somalia?!!  ,hadaba  iyada  oo aad moodid in aynu xaga ictiraafka  ku nasiib xunahay Hadana waxaan rabaa in aan halkan idiinku soo Bandhigo inta jeer ee caalamku isla soo qaaday ama ka wada Hadlay qadiyada aqoonsiga JSL    Dabcan  waa inta  aan anigu ka ogaa  ama  aan xogogaal u ahaa: waxa aan ka cudur Daaranaya in  aanan wada  xasuusnayn  taariikhda   iyo siday isu xigeen Dhacdooyinkan Hoos ku qoran   oo intuba ku saabsan yihiin ictiraafka s/land     laakiin  Dhamaantood waa Dhacdooyin run  ah oo Dhacay.

Kadib  Markii maamulkii maraykanka ee u madax ka ahaa (clinton) ciidamadiisii kala Baxay somalia waxa Dhacday in maraykunku u soo jeesto  xaga s/land oo markaa ahayd Dawlad curdin ah  , waxa maraykan iyo somaliland Dhex maray xidhiidh cusub oo horleh  oo aay Gadhwadeen ka ahayd  naag  maraykanka  safiirad uga ahaan jirtey Dalka Djibouti oo la odhan jirey(Lung Shermen Horn)   waxaan ka cudur Daaranaya in spellinka magaceedu aanu wada sax ahayn ,naagtaasi Hargaisa kamay qoob qaadi jirin  aniga ayaa shakhsiyan arkay iyada  oo diric xidhan oo Degan hudheelka (Mansuur) oo markaa cusbaa , wufuuda maraykanka  ee Hargaisa iman jirtey maay kala go i jrin   ilaa  war baahinta maraykan ugu weyn sida  wargesyka (washington post) uu ka yaabay sida maraykanku u Danaynayo Dal yar oo Geeska africa ku yaal  oo ku Dhawaaqay in uu somalia ka go`ay  , wargeesku wuxuu Daabacay warbixin dheer oo arintaas ku saabsan oo uu cinwaan oga Dhigay(Will Amarica support the partition of somalia?), xidhiidhkii halkaa ayuu ka  sii socday,Madaxweynihii somaliland ee waqigaas  Marxuum Mxamed Ibraahim cigaal ayaa Maraykan Booqasho ku tegey  wuxuu la kulmay mas`uuliin maraykan ah oo ay ku jireen  naag yar oo madoobayd oo la odhan jirey(suzan rice) oo marka ahayd kaaliyaha xoghaya Arimaha Debeda ee Maraykan u qaabilsan Africa(United States.

Under Secretary of State for Africa)  iyo ku xigeenka wasiirka Difaaca iyo Gudida arimaha Debeda ee congresska , maraykanku wuxuu cigaal iyo wafdigiisii   sicad ugu sheegay in uu taageersan yahay qadiyada Madaxbanaanida s/land laakiin isagu aanu ugu horayn karayn in uu aqoonsado balse narka hore loo baahan yahay in ay aqoonsadaan Dalalka( Igad) ee somalinad jaarka la ah  weliba uu isagu(marykanka) ka ololaynayo sidii arintaasi u dhici lahayd.

* olole uu Marykanku qaaday isaga oo la kaashanaya  Dalka Ethiopia waxa la soo jeediyey in marka hore ay somaliland xubin Goob joog ah ka noqoto urur Goboleedka (Igad) taas oo Dariiqa u xaadhaysa in Dalalka (igad) marka danbe si rasmi ah  u aqoonsadaan somaliland  …  Laakiin walaalkeen ismaaciil cumar Geelle ayaa arintaas ku Gacan saydhay oo ku Hanjabay in hadii meesha lakeeno somaliland uu isagu ka Baxayo igad Dabadeed arinkaasi  waa  socon waayey  iyada oo go `aanada ururkaas ka soo baxa ay shardi tahay in Dawladaha oo dhami wada ogolaadaan  .. ismaaciil cumar Geelle ayaa Diiday  hada waa  ismaaciil cumar geelle waa ninka siyaasiyiinta somaliland ay Ducadiisa iyo Amaantiisa kala Boobaan!!!  waa  ninka ay   Bishiiba  u tagaan saddex mas`uul oo somaliland ka socda   ilayn waa fariide intuu usameeyo woxooga soo dhowayn ah oo Dhalanteed ah Dabadeed uu mid walba jeebku ugu soo rido dhowr midh oo (nac nac) ah ayaay  iyaga oo faraxsan oo qoslaya intay Hargaisa yimaadaan yidhaahda.. sifiican oo walaaltinimo iyo xishmad iyo qadarin iyo islaamnimo ku jirto ayaa naloo soo dhoweeyey oo waxaanu u mahadnaqaynaa  madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti iyo shacabka reer jabuuti ee aanu walaalaha nahay sida ay marwalba noo soo dhoweeyaan  ee marlwalba ay noo garab taagan yihiin  ilaahay khayr hasiiyee  abaalkooda  ilaahay uun baa gudi kara!!!   ismaaciil cumar Geelle abaalka uu inagu leeyahay waxa weeye in aynu sidii  1988  SNM weererka ugu qaaday Burco iyo Hargaisa  aynu isagana weerar ku qaadno oo meesha ka tuurno!!  laakiin nasiib Darro siyaasiyiinta s/land ee maanta joogaa  waa wada xaabo marka laga reebo Gudoomiye Faisal cal waraabe.

* ka bacdi  maraykan ayaa (koofi anan)   ka Dalbaday  in uu  soo eego sida ugu fudud ee international low  waafaqsan ee s/land loo ictiraafi karo…. la socda maqaalka Danbe jawaabtii  koofi anan.

* Dawlada Eritrea  ayaa  mar  qarka u saarnayd in ay ku dhawaaqdo aqoonsiga somaliland…arinkaa waxaa ka shaqeeyey al-marxuum maxmud saalex nuur(Fagadhe)   oo ahaa wasiirkii arimaha Debeda ee ugu  xariif sanaa ee soo mara somaliland oo weliba ka soo jeeda Gobolka sool  maxaa Dhacay oo hakiyey ama joojiyey  ictiraafkii erirea  ee diyaarka ahaa ?   la socda  maqaalka Danbbe.

* 2003   Dawladaha UK iyo Denmark ayaa File kii aqoonsiga somaliland hor dhigay Midawga Europe…   maxaa Dhacay? la socda maqaalka danbe.

*   Maamulkii  maryakanka ee  George .w. bush,  kaaliya xoghaya arimaha debeda ee maraykan u aqaabilsan Africa( walter castner)  oo markaa waqti kooban xafiiska ku joogey sifo ku meel gaadh ah  ayaa  Congersska  horgeeyey File kii aqoonsiga somaliland isaga oo yidhi  (United states should recognize the republic of somalaind).. maxay congerssku ku jawaabeen .. lasocda maqaalka danbe.

* Dawlada south africa ayaa mar xiiso u qabtay in ay aqoonsato somaliland.. yaa arintaas biyo dhiijiyey ?  la socda maqaalka Danbe

*  markii shirkii (carta) ee Djibouti ee somaalida loo qabatay  dhamaaday  waa tii la Doortay cabdul qaasim salaad Boy  isla markiiba  waxa Dhacay shirkii(igad)  oo  lagu qabtay magaalada khartuum ee sudan   cabdil qaasim oo ismaaciil cumar gelle wado ayaa tegay shirkaas si uu ugu fadhiisto kursigii somalia, waa maxay shuruudii uu (Males Zinawi) ku xidhay si uu kursigaas ugu fadhiisto?  mase ka war qabtaan dagaalkii shirka ka dhacay ee ku saabsanaa somaliland oo udhexeeyey   madaxweynaha suudaan iyo ismaaciil cumar gelle iyo ina salaad booy  oo isku dhican ah iyo Meles zinaawi oo dhinac ah….. la socda maqaalka danbe .

* markii shirkii Embgathi ee somalida ee kenya lagu qabtay howshiisa lagu jirey  dawladaha somalia la jaarka ah sida  Etheopia,Djibouti iyo kenya ayaa loo igmaday  in ay Gudoomiyaan    shirkaas   laakiin ismaciil cumar Gelle oo ka baqayey in shirka Embgathi lagu baa biinayo  wixii carta lagu soo dhisay ayaa ka caga jiiday in uu shrkaas ka qayb galo  , Dawladaha EURope   oo shirka Maalgelinayey ayaa Digniin  kama danbays ah  u soo Diray ismaaciil cumar gelle haduu shirka tegi waayo  Digniintaas  waxa qayb ka ahayd ictiraafka    somaliland   …iyaga oo og in uu aad uga soo horjeedo qadiyada somalailand … lasocda tafaasiisha  maqaalka Danbe.

*  wasaarada gaashaan dhiga ee maamulkii marykanka ee Bush  ayaa soo jeedisay in maraykanku aqoonsado somaliland  laakiin taas waxa ka hor ymid wasaarada arimaha Debeda oo tidhi  marka hore waa in dawladaha africa ku horeeyaan ictiraafka somaliland  …  taas  waad wada ogaydeen waayo warbaahinta caalamka oo dhan ayaa laga sheegay.

*  Naagtii madoobayd  ee la odhan  (Jendayi freezer)  ee ahayd   kaaliyaha xog haya arimaha debeda ee maraykanka  xaga Africa ee  Maamulkii  Bush  ee Hargaysa timid berigii  xukuumadii riyaale  , iyada oo u ololaynaysa ictriifka somaliland  maxay ku wada Hadleen Males Zinaawi?  iyada oo isla arintaas wada  maxay ku wada hadleen ismaaciil cumar Geelle?   muxuuse ismaaciil cumar gelle ku yidhi? iyada oo weli  u ololaynasay qadiyada ictiraafka somaliland Jendayi Frezer  waxay la kulantay Gudoomiyihii Midowga Africa  ee xiligaas  waxay ka Dalbatay in somaliland ay xubin buuxda ka noqoto Midowga Africa  taas oo macnaheedu yahay in  54 dal ee uu ka kooban yahay urukaasi  ay  Duuduub u ictiraafaan somaliland  …  muxuu ku jawaabay alpha cumar conari ?   waa maxayse  jawaabtii alpha cumar conaari ee ka yaabisay jendayi freze… la socda maqaalka Danbe.

* xukuumadii ingiriiska  ee  uu  rasayl wassaraha ka ahaa (Gordon Brown)  warqad  ictiraafka somaliland ku saabsan ayay u qortay  Maamulkii (obama)   muxuu maamullka obama warqadaas kagasoo jawaabay ?  la socda  maqaalka Danbe

*ma la socotaa inta  jeer  ee uu Males Zinaawi ku Dagaalamay ictiraafka somaliland, mase la socotaa  inta jeer  ee uu ismaaciil cumar Geelle ka Dagaalamay(Diiday)  ictiraafka somaliland?   la socda  maqaalka Danbe.

wixii tacliiqaad ah ku soo Dira E-mailka.

khadar hussein

caanoboodhe32@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS