Kulanka Madaxwyne Muuse Biixi iyo Buubaa Waa Gogol-xaadhka Isfahamka Gar-xajis Iyo Madaxwayne Biixi! W/Q: Khadar Ibrahim Aar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulanka Madaxwyne Muuse Biixi iyo Buubaa Waa Gogol-xaadhka Isfahamka Gar-xajis Iyo Madaxwayne Biixi! W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
July 12, 2018 - Written by Editor:

Kulan Aan la shaacin isla markaana aan la sheegin waxa uu daaran yahay . Sawirro iyo suurado na tusinaaya in ay kulmeen Madaxwayne Biixi iyo Siyaasi Ismaciil Buubaa isla markaana ay ka muuqato yididiilo fiicani . Shaki laga qaaday Faylka madaw ee Ismaciil Buubaa gacanta Bidix ku sito.

Waxyaabahaasi aan kor ku soo sheegay waxa ay noqdeen kuwo shaki badan ay ka muujiyeen dadwaynaha aan sida xeesha-dheer aan siyaasadaha ugu dhuundalooloni ,iyaga oo ka qiyaas qaadanaayo ayaamo kooban oo laga joogo shirkii Qoomiyada Garxajis ugusoo dhamaaday Buurta Gacanlibaax, kaasi oo Siyaasi Buubaa uu ka mid ahaa raggii gadhwadeenka ka ahaa.

Hadaba marka laga yimaado shirka Garxajis iyo go’aamadii kasoo baxay oo ay dhici karto in ay caqabad iyo werwer horleh ku keenaan geedi-socodka xukuumada Muuse Biixi ,ayaa waxa iyaduna horaba u jirtay xurguf gaboowday oo siyasadeed oo ka dhaxaysay afartan nin ee ay lababa dhinac u saxiibka yihiin ,waa Ismaciil Buuba iyo Axmed Mirre oo dhinac ah iyo Madaxweyne Muuse iyo jalahiisa ay siyaasada Maxamed Kaahin.

Hadaba Madaxwayne Muuse waxa uu ka fikiray sida ay aniga ila tahay ama aan yeeli lahaa hadii aan joogo booska uu maanta taagan yahay labadan arimood in uu kala doorto :-

  1. In uu shirka Garxajis go’amadii kasoo baxay intii karaan kiisa ah uu wax ka qabto isla markaana aanu kulan gaar ah aanu la yeelan Ismaaciil Buubaa iyo Axmed Mirre kuna adkaysto in aanu wax dabac siyasadeed ah aanu u muujin ragaasi madamaa uu maanta yahay Madaxwayanah Somaliland.
  2. In uu horta damiyo colaada iyo cuqdada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa isaga iyo saxibadiisii ay ururkii SNM ay soo wada ahayeen kadibna uu uga gudbi tabashada Garxajis.

Madaxwayne Biixi hal Dhadhax ayaa waxa uu rabaa in uu laba Shimbirood ku wada dilo.Axmed Mire iyo Ismaciil Buubaa in uu horta heshiis markay ugu yar tahay is faham ah in uu ka helo madamaa uu u arkaayo in ay yihiin nimanka sida aadka ah Qoomiyada Garxajis ugusoo kiciyey, uguna soo dhuumaalaystay Xisbigii Wadani ,iyaga oo kaga aargoosanaaya xurguftii siyasadeed ee 1994 dhexmartay.

Shirka Qoomiyada beesha Garxajis waxa la odhan karaa waxaa uu ahaa ujeedo badan ,markaad eegto Tabashada Garxajis waxaa isagana shirka si gaar ah afkaartiisa oo aan gabasho lahayn ugasoo dhex tabinaayey siyasiyiinta xisbiga Wadani oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Cabdiraxmaan cirro,balse Madaxwayne Muuse Biixi ma jecla in uu dhinaca xisbiga wadani in uu wax wada xaajooda kala yeesho arinta shirka ,sababta oo ah waxaabu u arkayaa in Wadani uu ka leexday Jidkii Dimuqraadiyada Somaliland.

Qoraal iyo dhamaan/hadal iyo dhamaan, Madaxwaynahu waa uu ku saxsan yahay in uu kala horaysiiyo kulanka Reerka iyo Ismaciil iyo Axmed Mirre ,waxaa dhici karta in is-araga ragaasi in ay wax badan ka qabato isfahamka guud ee Garxajis iyo Madaxwaynaha,Somalilaana waxa ay u noqonaysaa iskuduubnaan dib usoo cusboonaatay.

Qabsoomidii shirka Garxajis waxaaba laga yaaba in ay Somalilaan khayr u lahayd, waxaa dhici karta is-fahamwaa muddo badan soo kala dhexgalay rag ka wada tirsanaa jabhadii SNM in ay ujeedada shirkan ku walaaloobaan sida Axmed Mire,Ismaciil Buubaa,Madaxwayne Biixi iyo Maxamed Kaahin.

Su’aasha kale ee aadka loogu kaftamay ayaa waxa ay tahay , Siyaasi Ismaciil Buubaa xiligan uu Madaxwaynaha la kulmay waxa uu gacanta Bidix ku sitaa Fayl midabkiisu uu yahay Madaw,taasi waxa ay dhalisay iswaydiin odhanaysa Ismaciil waa nin in badan siyaasada kusoo jiray fahmikarana Hab-maamuuska iyo madaxnimada,yaqaana oo anay ka qarsoonayn faylasha iyo warqadaha heerkan oo kale ahi in ay kala maamus badan yihiin ,sidaa awgeed maxay ayuu uga jeedaa faylkan madaw ee aanu waliba dhigin miiska xiligii ay madaxwaynaha salaanta laab xaadhashada ay ku kulmeen, Ilaahay ayaa og??

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

COMMENTS
LINKS